Shan iyo Labaatan Qof oo tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebta Liibiya

Ugu yaraan 25 qof ayaa dhintay markii doon ay saarnaayeen xeebta Liibiya ay degtay, doontan ayaa waxa saarnaa 150 qof oo tahriibayaal ah, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala Badda Mediterranean. Sida ay Warisay Wakaalada AP.

“Doonta ayaa ku dagtay waqooyiga Tripoli, waxaama ku dhintay ugu yaraan 25 qof, lamana sheegin wax intaa ka badan waxaana goobta ku sugan Ciidanka badda Talyaaniga .” Sidaana waxa Barta Twitter ka ku qoray Munadama See Watch la yidhaa.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa u sheegay “AFP” in 85 qof la soo badbaadshay,ayna dib u heleen sideed maydad ah, illaa iyo hadda, waxay ku nuuxnuuxsadeen in “raadintu ay sii socoto si loo elo cid badbaaday”

Sida ay ka soo xigtay wakaalada France-Press xogta Dhakhaatiirta aan Xudduudda Lahayn sannadkii hore, 3,666 qof ayaa dhintay intii ay ku jireen isku day ay ku doonayeen in ay ka gudbaan Mediterranean.

Advertisement

Ku Xayeysiiso