Talo iyo Toosin ku socota Waaxda Fulinta ..Q.2aad

Talo iyo Toosin ku socota Waaxda Fulinta..Q.2aad
Waaxda Fulinta oo ay hogaaminayaan Madaxweyne Muse Biixi iyo C/Raxmaan Saylaci waxay xilka hayaan mudo ka yar bil.Waxa hor yaala hawl balaadhan oo kala leh mudnaan tooda.Waxaanay ku dhex jiraan dhismaha iyo buuxinta hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaan.

Qormadan 2aad waxay daba socotaa qormadii hore ee taxanaha ah,kuna falaqayn doono Qorshe aan u arko inay xal u noqon karto dhibaatada dhalintu dalka iyo dadkaba ku hayso.Qorshan dhalinyarada waxa aynu ku iftiimin doonaa hay’adaha uu khuseeyo iyo habka loo fulinaayo,waxaanan u kala qaadi doonaa 2ba qaybood oo kala ah:
1.Wasaarada shaqaalaha,wasaarada waxbarashada iyo wasaarada
Dhalinyarada+ciyaaraha.
2.Ciidamada qaranka ee kala duwan.
Markaan ka hadlayo jihaynta hawlaha dhalinyarada waxa iskaashi ka yeelanaya wasaaradaha aan ku xusay iyo ciidamada kala duwan ee qaranka.Waydiintu waxay tahay siday wada shaqayn karaan? Hadaan faah faahin ka bixiyo shabakada ay uga hawl galayaan ugu horayn wasaarada waxbarashada waxay qorshaheeda ku darsanaysaa:
A)Dugsiyada H/Dh/sare waa in lagu dhigaa aadaabta iyo tarbiyada
Islaamka,waa inay ka mid noqotaa maadooyinka qasabka ku ah
ardaydu ka gudbaan imtixaanada 4ka,8ka form 4ka.
B)Macalin waliba maadada uu dhigo waa inuu kala socdaa waalidka,
kulana la yeeshaa 2dii todobaad ba hal mar,kalana hadlaa siduu
ardaygu ku yahay maadada uu dhigo macalinku iyo dhaqanka
ardayga.
C) Waa in la badiyaa dugsiyada Farsamada gacanta(Technical
Instituts) iyo dugsiyada mihnadaha(Professional Schools).
Seddex-dan qodob waxay ardayga ku barbaarinayaan qiimaha dhaqankiisa qofnimo,waxay miisaan u yeelayaan hab dhaqanka uu waalidka,macalinka iyo bulshada kula dhaqmaayo.Waxay kor u qaadaysa hiigsigiisa nololeed,waxaanay ka leexinaysaa xumaha.Waxaana soo baxaya ilmo kala garanaya wanaaga iyo xumaanta.Waxaa yaraanaya dhalinta ku kacda waxyeelada dadka.
Wasaaradani waxay xidhiidh wada shaqayn ah oo dhinaca ardayda dhamaysata 8ka,form 4ka,farsamada gacanta iyo mihnadlayaasha kala yeelanaysaa wasaarada shaqaalaha,Ciidamada qaranka qaybahiisa kala duwan.Ayadoo la raacayo qorshe gaaban iyo mid fog.Tusaale 6bilood ilaa sannad taba bar dhinaca booliiska iyo Ciidanka qaranka.Sannad shaqo qaran.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha:
Horta wasaaradani waxay ku haboonayd in laga dhigo………
La Soco……….
Xuseen Xasan Badmaax
Badmah100@hotmail.com
Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso