Maamulka Trump Oo Xog Ka Bixiyay Gidaarka Uu Ka Dhisayo Xadka Mexico.

Hargeysa(Toggaherer)-

Maamulka madaxweyne Trump ayaa soo saaray xogtii ugu badnaa ilaa iyo haatan oo la xiiirta qorshaha darbiga looga dhisayo xadka Mareykanku la leeyahay Mexico.

Donald Trump ayaa ku celceliyay in uu darbigan dhisi doono intuu uu ku jiray ol'olahii doorashada

Qarashka ku baxaya dhismaha darbigan ayaa lagu qiyaasay tobanka sano ee soo socda sideed iyo toban bilyan oo doolar.

Lacagta ayaa waxaa loo isticmaali doonaa in lagu dhiso in ka badan kun kiilo mitir oo ah darbi cusub ama mid lagu badelayo midkii hore.

Sida laga soo xigtay xog ay u gudbisay hay’adda ilaalinta xuduudaha iyo kastanada senetarada Aqalka Cad, waxaa loo baahan doonaa shan iyo toban bilyan oo kale oo dheeraad ah si loogu bixiyo howlaha dheeraadk ah ee teknoloojiyada iyo wadooyinka cusub.

Madaxweyne Trump ayaa si joogta ah ugu celceliyay xiligiisii ololaha doorashad in dowladda Mexico ay bixin doonto qarashka ku baxaya dhismaha darbiga.

Madaxweyne Donald Trump, waxa uu u sheegay xiligaasi taageerayaashiisa in gidaarka uu qorsheeyey in laga dhiso xadka Maksiko laga yaabo in lagu xiro qalab korontada ka dhaliya tamarta qorraxda.

Isagoo hadal ka jeedinayay fagaare ku yaalla Iowa ayuu sheegay in qalabkaasi dhalin doonaan koronto qiimaheedu jabanyahay isla markaana marka la iibiyo laga heli doono kharashka lagu dhisay gidaarka muranka dhaliyey.

Haseyeeshee qalabkan korontada ka dhalinaya qorraxda waxaa mar hore lagu daray naqshadaha ay soo gudbiyeen shirkadaha doonaya in ay u tartamaan qandaraaska dhismaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso