WADANIYADA RAYSAL WASAARAHA DALKEENA WAA MID DAGTAY QULUUBTA SHACABKA SOOMAALIYEED

Taariikhdu waa mid dhacaysa,la qorayo la xasuusan doono oo galaysa diiwaanka taasoo ay dhaxlayaan jiilasha danbe ee aan goob jooga u ahayn.Qofkastoo masuuliyad qaran qaada waxa uu ureebaa dadkiisa jid wanaagsan oo looga daydo laguna xasuusto,oo taariikhi ah oo lagu xasuusto looguna duceeyo, ama mid xun oo sidoo kale lagu xasuusto laguna hiifo.Hadaba waxaa lamid ah qofkasta oo soomaali ah waxa uu dalkiisa u qabtay oo wanaag ah waa lagu tix galin laguna xasuusan,sidoo kale qofkastoo soomaali ah oo wadani ahi haduu leexdo oo dalkiisa hagardaameeyo oo khiyaano oo shisheeye ka raaco oo hagrado guusha dalkiisa taariikhdaa qoraysa baal madaw ayuuna ku qormayaa waana mid guul daraystay aduun iyo aakhiraba ninka dalkiisa caasiyaa.

Wadani hadaad maqasho meel kale adoon aadin horta ugu horayn ogoow waa qof leh iimaan.mid aan iimaan lahayni ma noqon karo wadani sideedaba.wadani waa qof leh garasho iyo caqli leh aragti dheer.wadani waa qof gob ah oo leh dareen iyo han sare oo isku kalsoon.wadani waa ehlu diin jecel dalkiisa dadkiisa iyo diintiisaba difaacana.wadani waa nin leh haybad oo la tartama wadamada aduunka oo jecel in dalkiisu hormaro dhan walba.Hadaadan taariikhda arag qof wadani ah maantaad haysaa ee ka bogo waa Raysal wasaaraheena khayre.

Khayre waa nin soomaali ah waxa uu wax ku bartay dalka gudihiisa iyo wadamo dibada ah.waxa uu kasoo jeedaa qoys karaamo leh waxa uuna kusoo koray ixtiraam sharaf iyo kala danbayn.akhlaaq wanaagsan ayuu kusoo barbaaray.waa nin leh hal abuur iyo aragti fog oo naftiisa hormariyay waxna qabsaday oo shaqaystay xag aqooneed iyo xag dhaqaalaba is dhisay oo heer ka gaaray.waa nin aduunka wax la qaybsan kara oo leh fikir iyo aragti sare oo cid walbaa u baahan tahay in ay ka faa iidaysato.

Soomaalidu waa is taqaan khayre beesha uu ka soo jeedo waa beel ay ka dhasheen dad leh cilmiga diinta islaamka oo heer ka gaaray iyo dad ku fiican ganaacsiga iyo wax soosaarka.waa beel sharaf iyo karaamo ku leh umada soomaaliyeed dhexdeeda.hadii reer ku faankii soomaali lagu ibtileeyay hade Raysal wasaare khayre waxa uu ka dhashay reer sharaf leh hadaan lays xasdaynin.

Hadaba Raysal wasaare khayre maha nin reer iyo beel midna isumana arko in uu yahay reer,waa nin hankiisa iyo hamigiisu yahay soomaalinimo waxaana ka caagan wax kasokeeya soomaalinimada.Khayre waa nin mabda leh aamin san aragti taasoo ah in uu ku guulaysto maalin maalmaha ka mid ah in uu arko soomaaliya oo ah dawlad buuxda,oo leh ciidan dhisan difaacda bad iyo bari iyo cirba gayiga soomaaliyeed.waxa uu jecel yahay in uu arko soomaaliya oo ah dawlad oo qofka soomaaliga ah uu dalkiisa ku dhex leeyahay karaamo iyo sharaf aduunkana kayahay mid laga haybaysto oo la tix galiyo.

Khayre waa iskala wayn yahay waxan jaahilnimada ah ee la haray soomaaliya ee ah qabyaalada.Had iyo jeer waxa u muuqda isu keenka iyo midaynta umada soomaaliyeed,waxaa umuuqda in uu nabadeeyo dalkiisa,waxaa u muuqda in uu dhaqaalaha hormariyo oo shaqo abuuro.waxaa u muuqda in dadka soomaaliyeed helaan nabad iyo nolol iyo dawladnimo buuxda.waxa uu kufaanaa soomaalinimada iyaduuna kashaqeeyaa.Raysal wasare khayre waa nin qaran waana wadini isagoo kalana Raysal wasaare lamid ah waligeenba taariikhda inama soomarin oo leh wadaniyada khayre oo kale waxaana mahad leh illaahii khayre noogu dhiibay xukunka dalkeena.

Khudbadii uu jeediyay ee u danbaysay ee raysal wasaare khayre jeediyay 3.1.2018 maha mid kabaxaysa quluubtayada abid intaan koonka saaranahay mana ahaan doono Mudane khayre mid aan ilaawi doono.waxan qiraynaa in ay dhab ka tahay wadaniyadu oo uu yahay mid dalkiisa u huraya naftiisa oo ka qaadaya halka uu maanta yaalo.Waa wadani jecel dawladnimada iyo sharafka soomaaliyeed,Adeer damiir baan leenahay khayre jidkuu nagu hogaaminayo waanu fahanay hadaanu nahay shacabkii soomaaliyeed waanu garab istaagaynaa waana u dhimanaynaa dawladnimadayada soomaaliyeed iyo calanka cirka ah ee xidigta cad dhexda ku leh.

Waa nin geesi ah,wadani ah soomaali ah.sida putin madaxwaynaha ruushka u bad baadiyay dalkiisa ayuu khayre u badbaadinayaa dalkiisa laakiin doqonto ma oga nin raga waa ogyahay.ma waxaan kaharaa aragtida soomaalinimo dawladnimo ee khayre oo kadib aan dib ugu oqdaa qabyaalad iyo dawlad diidnimo? ma dalkayga ayaan ku fiirsan karaa colaadaha abaarta gaajada iyo quursiga aduunku ku hayo? maya waan ka dhiidhiyayaa oo u dhimanayaa dawladnimada soomaaliyeed si aan u noqono anagoo ah soomaali dad iyo dal jira.

Raaci maayo mid ila qabiil ah oo aragti gaaban oo dalkayga la raba uun in uu ahaado dawlad la aan,ma raacaayo dawlad diid iyo xaaraan qutayaal.taa badalkeeda waxaan jeclahay oo aan raacayaa wadanigayga ii kacay ee ah soomaali nadiif ah kanaa ah walaalkay kanaa ah qabiilkayga kanaa ah tolkay. qabiil iyo tol midna iima aha nin diidan dawladnimada iyo soomaalinimada iyo karaamada dalkeena.waxaa la rabaa dadku inay ka tagaan qabiilka iyo aragtida gaaban oo u baxaan iftiinka iyo ilbaxnimada iyo aragtida dheer sidaa raysal wasaaraheena khayre oo kale.Haa waan ku iimaan qabaa soomaalinimada iyadaana igu filan.

Waxaa jira mid kula dhashay oo ah dadii kaa yarayd ama kaaba wayn,oo dawlad diid ah oo xaraan quute ah,oo shisheeye u ah daba dhilif hadaba ogoow kani waa cadawgaa.ninka diidan diinteena,ninka diidan dawladnimadeena,ninka diidan inaynu soomaali ahaano ee ina kala qaybinaya qabiil qabiil maha ehel iyo walaal ee waa cadaw waana in aan iska qabanaa.

Waxaa walaalkaa ah qofka soomaaliga ah wadaniga ah difaacaya dalkeena,diinteena,dadkeena,dawlad nimadeena kan raac kanaa ah aamin iyo ehel.

Soomaalinimo iyo iimaan cid ay ku jirto maanta khayre ka harimaayo walaahi iyo bilaahi iyo tolaahi ninkii khayre kaharaa in uu san ahayn mid raba dawladnimo soomaaliyeed oo hirgasha,mid raba diinteena,mid raba dalkeena,mid raba in soomaaliya ay hesho nabad iyo nolol.maxaa yeelay wuu arkaa hormarka iyo dadaalka daacada ah ee uu wado khayre wuu arkaa in uu yahay wadani wuu arkaa in uu yahay soomaali,hadana waa hortaagan ayahay oo lugbaa u laaban.

Waxaase naga go an anagoo ah shacabkii soomaaliyeed in aan dhab u ilaashano dawladnimadeena oo aan cagta marino dawalad diid iyo xaraan qutayaal u shaqeeya shisheeye.dawladnimada iyo soomaalinimada ayaa nala wayn waana u dhimanaynaa dalkana angaa iska leh oo ah soomaali.waa la dagaalamaynaa shisheeye kal kaalka waayo isagaa ka xun shisheeyaha.

Waxaan aad uugu faraxsanahay libaaxyada illaahay inoo kiciyay ee ah wadaniyoyaal soomaali bilaya oo gaar siinaya heer.waxaanse kusii faraxsanahay sida uusan dawladiid iyo dabadhilif shisheeye raac ahi boos ugu lahayn soomaaliya.intaan cimrigay noolaa mana arag mana maqal raysal wasaare soomaaliyeed oo heerkaan khayre wadaniyadiisu gaarsiisan tahay.waabaan shakiyoo aan is iri war malaha dalkeena soomaaliya maba laha wadani? cuqdadaas igashay waxaa iga saaray khayre oo waxaan hubsaday in wadani dhab ahi jiro waana qancay waana u duceeyay waxaana hubaa oo wax shaki ahi iiga jirin in khayre guulaysanayo dalkiisana dhisayo,soomaaliyana ay ku istaagayso lugaheeda noqonaysana dawlad buuxda,tan waan arkaa oo hubaa waaba cadahay.

Waxaan xusayaa dad aan aad u jeclahay waxaana uugu horeeya Raysal wasaare khayre,madaxwayne farmaajo,Dr bayle,juxaa,salaad cali jeele,cabdi xaashi gudoomiyaha aqalka sare,sheekh baaruud,ruug cadaa cabdi yuusuf,kuwani waa wadaniyiin soomaali ah waana dad jecel soomaalinimada iyo dawladnimada kuwaanaa ah tolkay maha tolku sidaad moodeen tolku waa soomaalinimada iyadaana ina deeqda oo inagu filan,waa in aan sida ragaan jeclaana dalkeena diinteena iyo dawladnimadeena.waxaynu nahay soomaali dadka diidan in aynu nahay soomaali ee inaga dhigaya qabiil waa iska qabanaynaa oo u dhigaynaa cashar sharcigaana la horkeenayaa dawladiidka iyo soomaali bi ìska.

Waxaan rabi uuga bar yayaa in raysal wasaare khayre uu siiyo cimri dheer iyo caafimaad cadawgiisana ka dhigo huf iyo hal aan jirin.sharaf bay ii tahay in aan ku faano raysalwasaarahayga wadaniga ah geesiga ah soomaaliga ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso