Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee ku wajahan burburinta & khalkhal galinta nabadgelyada,

Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee ku wajahan burburinta & khalkhal galinta nabadgelyada, xasiloonida & dimuqraadiyadda Jamhuuroyadda barakaysan ee Somaliland.

Ujeedada farmaajo ee ku wajahan qadiyadda madax banaanida somaliland waxaad ka dheehan kartaa xubnaha calooshooda u shaqaystayaasha ah ee uu u xushay xilalka wasiirnimo, beelaha & deegaanada ay ka soo kala jeedaan. Isagoo xooga saaraya saamaynta ay ku yeelan karaan deegaanada somaliland ee ay ka soo kala jeedaan. Isla markaana siyaasadda uu ka duulayaa ka duwantahay siyaasaddii madaxweynayaashii ka horeeyay. Oo iyaga qorshahoodu ahaa oo Kaliya  siyaasad ku wajahan  dawladihii fadhiidka ahaa ee u kala denbeeyay Somalia mudnaanta siyaasadoodana Somaliland meelna kagamay jirin. Balse siyaasadda farmaajo ee ku wajahan qadiyadda Somaliland way ka duwantahay taa, isagoo hadafkiisa koowaad yahay dagaal qaawan oo uu kula jiro waxyeelaynta madax banaanidda & horumarka ay ku talaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana u marag ah wasiirkii qorshaynta & iskaashiga caalamiga ee maalmo ka hor yimid qaybo ka mida deegaanada gobolka sanaag, waana markii u horeysay ee uu yimaaddo wasiir ka socda xukuumadihii kala denbeyay ee Somalia.

Hadaan wax yar is dul taago xubnaha wasiirada ee raysalwasaare khayre maanta isku bedelay.
1. Danjire Axmed ciise, arrimaha debeda waana danjirihii somalia u fadhiyey Waahington majeerteen (Ciise maxamuud). Lagu bedeley
Cabdi saciid faarax (Juxa). Oo ahaa arrimaha gudaha reer ahaan laakin-se shaqo ahaan bedeley yusuf garaad,
2. khadra Ahmed Keyse, oo ah habar jeclo ka soo jeeda (Ceerigaabo). Waxaa bedeley maareeye oo ah habar jeclo kana soo jeeda (caynabo). Waana wasaarada gamacsiga iyo maalgashiga &
3. Cabdi maxamuud samriye habar gidir arrimaha gudaha. Oo bedelay shaqo ahaan Cabdi Saciid Faarax (Juxo).

Iyadoo markii hore xubnaha wasiirada ka soo jeeda deegaanka somaliland kala ahaayeen:
¤. Samaroon oo maaliyada ah gobolada galbeed.
¤. Warsangeli oo Qorshaynta ah gobolada bari sanaag.
¤. Habar/jeclo oo ah ganacsiga ah gobolada bari sanaag.
¤. Habar/yoonis cadaaladda ah iyo gobolada bari sanaag
¤. Dhulbahante qayaad oo kaluumeysiga ah. gobolada bari sool.
Waxaa la bedeley khadra oo keliya kana soo jeeday gobolka sanaag Oo lagu bedelay maareeye xayir Oo ka soo jeeda gobolka sool.

Sidaa darteed xukuumadda fadhiidka ah ee Farmaajo siyaasadeedu waa mid ku wajahan faragalinta qadiyadda madax banaanida xukuumadda somaliland. Mana aha madaxweyne siyaasadiisu ku foogantahay dawlad ku sheegga Somalia, iyadoo siyaasadiisu mudnaanta koowaad siinayso faragalin qaawan Oo ku foogan qadiyadda madax banaanida Somaliland.  Waxaanu u soo tafa xaydatay khalkhal galinta nabadgelyada & xasiloonida xukuumadda Somaliland.
Taa waxa markhaati u ah xubnaha golihiisa wasiirada uu ka siiyay xubnaha ku shaqaysta magaca Somaliland tusaale ahaan labada Wasiir ee ugu miisaanka badan wuxuu Siiyay beelaha gobolada bari & galbeed ee Somaliland kuwaas oo kala ah:
1. Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorshaynya & iskaashiga caalamiga Harti,(Warsangali). Gobolada bari sanaag.
2. C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka maaliyadda (Samaroon). Gobolada galbeed, Awdal.
Markaad eegto beelaha gobolada bari & galbeed ee la kala siiyay labadan wasaaradood ee muhiimka ah waxaad garan kartaa siyaasadda farmaajo ee ku wajahan khalkhal galinta deegaanada nabdoon ee Somaliland.

Sidoo kale markaad iyana eegto xubnaha wasiirada ee la siiyay beesha dhexe oo ah laba Wasiir Oo ka soo kala jeeda deegaanada gobolada Sool & Sanaag waxaanay kala yihiin:
3. Maxamed Cabdilaahi Xayir (Maareeye). Wasaaradda ganacsiga Isaaq, Habarjeclo  (Reer yoonis). Ka soo jeeda caynabo, Sool.
4. Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqad iyo Shaqaalaha, Isaaq, Habar Yoonis (Muuse Ismail). Kana soo jeeda ceerigaabo, sanaag.
Hadaba si aan idiin tuso qorshihiisa dagaalka ee ku wajahan xukuumadda somaliland madaxweyne farmaajo si uu u sii huriyo colaadda u dhexeysa beelaha walaalaha ah ee Bahararsame & Qayaad wuxuu u magacaabay wasiir beesha Qayaad.
Qayaad iyo bahrarsamena waxaa ka dhaxeeya dagaal
5.  C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Harti Dhulbahante (Qayaad). Isagoo ula jeedkiisa ka denbeeyaa yahay inuu uga faa”iidaysto wasiirkan uu siiyay bahararsame khalkhal galinta nabadda & dimuqraadiyadda ka hana qaaday xukuumadda Somaliland.
Ugu denbeyn waxaan qoraalkayga  ku soo jaan goynayaa;
Waynu aragnaa aragtida siyaasadeed ee farmaajo kuna wajahan khalkhal galinta Madax banaanidda Jamhuuriyadda Somaliland. Balse ma noqon doonaa mid ku guuleysta waxyeelaynta horumarka, nabadda, xasiloonida & dimuqraadiyadda xukuumadda Somaliland.
Hadaan iskaga jawaabo su”aashaydan waxaan leeyahay maya kuma guuleysan doono riyadiisan & siyaasadiisa fadhi baradka ah. Waana habeenkii xalay ahaa ee tagay waxyeelo uu u geysan doono madax banaanida qadiyadda jamhuuriyadda Somaliland ee madax banaanideeda loo soo hurey naf & maal-ba.

 

Xaaji Cabdi gahayr alle haw naxariistee oo xili xiliyada ka mida arko mid yar Oo sidan yarkan farmaajo wax u wada wuxuu odhan jirey:-

☆. Hindisaha mareexaan qalbigu, way halcanayaaye.
☆. Siday hooyadaa kuu dhashay ayaan, hawli kuu imane.
☆. Hadhuubkii laguu buuxiyaad, haysataa waliye.
☆. Hubso talada kayntaa yar baa, hadal ka joogaaye.

Allaa Mahad Leh.

 

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso