Waxay Ahayd :- Nasir Ali Kabadhe

Waxay Ahayd:.
Safar dheer oo ka bilaabmay magalada hargaysa oo qaatay in ku dhow labo sano ayaa maanta so gabagabaynay waxay ahayd shaqo qaran midi ugu balaadhnayd ee laga qabto Somaliland waxay ahayd shaqo koobsatay dhulwaynaha iyo dadwaynaha ku nool Soomaaliland, waxay ahayd shaqo barasho dhul iyo dadba kulmisay ,
Waxay ahayd shaqo aan bilaabmin haday bilaamantana aan dhamaan ilaa dhamaystirkeeda la gaadho, waxay ahayd shaqo habeen iyo maalin, jimce iyo ciid midna aan kala lahayn, haday shaqo bilaabmato waxya ahayd mid aan lahayn kala sarayn, waxay ahayd mid ku dhisan wada jir iyo wadaag shaqo,
Howl-wadeenada KDQ
Waxay ahayeen koox ay ka goantay in ay taariikh cusub udhigaan Somaliland waxay ahaayeen koox ididiilo wayn ka leh dalkan , waxay ahaayeen koox udhabar adaygaytay dhibaato kastoo kaso gaadha oo adkaysi umuujisay midho dhalinta hadafkooda, waxa hogaaminayay Toddabada Xubnood ee qarankani uxilsaaray Doorashooyinka iyo Diwaangalinta Codbixiyaha waxay ahaayeen Toddoba Xubnood oo ushaqeeyay Sidii Hal Xububin oo kali ah,
Diwaangalinta Codbixiyaha- (Voter Registration)
Taasina waa ta keentay suuragalnimada in ay dalka Somaliland ka hirgasho nidaamka xog uruurinta ama Diwaangalinta cudbixiyaha kaas oo aan hore aduunka looga isticmaalin ( Biometric Voter registration) ee indhaha lagu aqoonsado,( Iris recognition)
16 January 2016 waxay ahayd maalintii uu madaxwaynuhu Siilanyo kaga dhawaaqay in ay dalka ka bilaabantay Diwaangalinta codbixiyaha gobolka togdheerna uu noqday gobolkii kowaad ee laga hirgaliyo dhamaan 21 degmo iyo lixda gobo lee Soomaalilaan ay ka qabsoontay diwaangalinta sida casriga ah loo qabtay, halka maanta qaranka soomaalilaand uu dhaxlay Diwaan ma guurto ah oo mustaqbalka la isticmaali karo.
Run ahaantii waxay ahayd isku day fiican oo guul wayna laga gaadhay amaantooda ay leeyihiin howl wadeenada KDQ howshaasina waxay ahayd in loo gogol xaadho sidii ay somalialnd uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal muwadin kastana uu ku dhiiban lahaa hal cod iyo hal qof, si xor ahna udooran lahaa cida uu la caashaqsanyay hogaanka dalka,
Waxa Marag madoona in ay dalka kan yar ee aan aqoonsiga haysan taageero iyo caawimo badana ka helin dunida inteeda kale, ay ka suurto gasho Doorasho huffani oo lagu kala saarayay sedexda musharax oo u taratamayay hogaanka dalka, 13-Novenber 2017 ayay ahayd maalintii loo dareeray codbixinta doorashada madaxwayne, waxay noqotay mid amaan badan uso jiiday Jamuuriyada Soomaalilaand,
Waxay ahayd wax wayn oo ilaahay loogu mahadnaqo ka gadaal maamulka iyo howl-wadeenada KDQ taasina waata ukeentay in indhaha aduunka kuso jeediso jamuuriyadan yar ee raacdada ugu jirta in ay ka mid noqoto dowladaha calaamka kan ka jirra, balse badalkeeda waa jamuuriyad Alle Aqoonsaday taasna waxay ku gaadheen dadka reer soomaaliland oo aan ahayn dad cunfi iyo xiqdi aan lahayn , bulsho ilaashata waxay wada leeyihiin waa bulsho ay kaga wayntay waxay gaarka u leeyiin waxa ay wada leeyihiin waa jamuuriyad ay ku dhaqan yiin bulsho isku tanaasusha.
Mahadnaq gaara:
waxan halka kan uga mahadnaqayaa dhamaan asxaabtii iyo dhamaan shaqaalihii aanu kawada qayb qaadanay howsha tanm maaha mid aynu kaso koobi karno qoraalkan mid iyo laba toona, waana mid baal dahaba kaga suntan inta caqliga saliimka lihina waa in ay xusuun oo xasuutaan shacab iyo dowladna uga mahad celiyaan waxa fiican ee ay sameeyeen, aqoonsadaana in qarankani leeyahay dhalin yaro aqoon iyo kartiba leh oo fulin kara shaqo kasta oo dalka kan laga qaban rabbo hadii sida toggan looga faaiidaystana qaran udhigi kara tariikh cusub.
Nasir Ali Kabadhe
HYPERLINK “mailto:nasirkabadhe@gmail.com” nasirkabadhe@gmail.com +252-633-22-1144
hargaysa Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso