TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM XASAN YAASIIN

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, tafiirta, xigto iyo xi gal,  iyo asxaabta Marxuum Xasan Yaasiin Maxamed oo maanta 17/12/2017 lagu aasay Hargeysa. 

Xasan waxuu ahaa oday ka mid ah tiirarka ka hadhsanaa raggii ilaa gumeysigii ka mid ahaa  haldoorka ummadda.Waxuu ahaa nin ehlu kheyr ah oon cidi ka caban, nin af gaaban oo cibaado badan. Waxuu ka mid ahaa odayadii qaybta libaax ka qaatay nabadeenta iyo la soo noqoshada qarannimada 

Somaliland.

Marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu Qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo,  ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Ehel iyo asxaabna in Alle waafajiyo samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

Advertisement

Ku Xayeysiiso