Qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha caasimada ayaa laga hor istaagay xaflad ay xilalka kula kalawareegaayeen wasiirkii hore ee maaliyada somaliland iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi dhawaan loo soo magacaabay.

Hargeysa(Toggaherer)-Qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha caasimada ayaa laga hor istaagay xaflad ay xilalka kula kalawareegaayeen wasiirkii hore ee maaliyada somaliland iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi dhawaan loo soo magacaabay.


xafladaasi ay xilalka kula kala wareegaayeen wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada somaliland marwo samsam cabdi adan iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi loo soo magacaabay dhawaan yuusuf maxamed cabdi ayaa xubno ka tirsan suxufiyiinta ka howlgasha caasimada somaliland waxa laga hor istaagay in ay ka qaybgalaan xafladaasi una kuur kalaan hadalada siyaasadeysan ee labada wasiir sida kaftanku ku jiro iskugu tuurtuurarayaan,suxufiyinta xafladaasi dimad jooga ka ahayd waxaa ka mid ahaa saxafi ka howlgala shabakadani radio Toggaherer oo xafladaasi ka war sugaayey ,balse Albaabada ayaa laga soo xidhay,arrintaasi oo aan looga baran masuuliyiinta qaranka somaliland in ay warbaahinta kala saaraan oo ay kala xushaan iyagoo midna warbixinada siinaya midna u diidaya.

Dhinaca kalena waxaa maanta jirtay in qaar ka mid ah wasaaradaha dowlada ay xaflada xilwareejintoodu ka bilaabantay waxaana ka mid ahaa wasaarada arrimaha gudaha,wasaarada maaliyada iyo wasaarada Beeraha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso