Mahrajaanka Dhadhaminta Dhimashada oo Lagu Qabtay Japan!!!

Daraasiin reer Japan ah ayaa booqday xaflad Shukatsu ah oo ka dhacday Japan Sabtidii, halkaas oo mahrajaanku u diyaariso martida dhimasho iyagoo qabanqaabinaya dhacdooyin badan.

Sida laga soo xigtay Wakaalada Raptley, xafladda waxaa ku jira seminaaro iyo dhacdooyin badan, sahaminta nolosha dhimashada ka dib, iyo jidh ahaan u diyaar garowga dhammaadka lama huraanka ah.

“Waxaa muhiim ah in aad ka fekerto wakhtiga ka dambeeya waxa dhacaaya dhimashada kadib, iyo waxyaabaha ay asxaabtaadu samaynayaan markaad ka baxdo,” ayuu yidhi Tashina Tachibana, oo ka tirsan waaxda qorsheynta ee festifaalka.

Tachibana ayaa sheegay in tirada dadka soo booqanaya ee da’yarta ahi ay sii kordheyso.

Ereyga “Shukatsu” ee Japanese ka ahi waxa loola jeedaa “diyaargarowga Ruuxa ee Dhamaadkiisa” waxaana lagu qabtaa meelo kala duwan oo Japan ah Sabtidii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso