Ciyaar kubadda cagta oo ka dhacaysay Algeria oo isu bedeshay dagaal!!!

Warar ka soo Baxaya Dalka Algeria ayaa sheegaya in hal qof la dilay qaar kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyo intii lagu jiray cayaar kubada cagta ee Algeria.

Ciyaartii u dhaxeysay laba kooxood oo bariga dalka ayaa ku dhamaatay ka dib markii taageerayaashu isku tuureen bamam ka samaysan qiiqa iyo waxyaabo kale.

Kadib taageerayasha labada kooxood ayaa soo galay garoonka wayna isku dhaceen gudaha iyo banaanka garoonka .

Ciyaaraha Kubadda Cagta Algeria mararka qaarkood waxa dhaca rabshado dhex mara taageerayaasha.

Sanadkii 2014, ciyaaryahan reer Cameroon ayaa lagu dilay una ciyaari jiray kooxha Heerka koowaad ee Algeria .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso