WASAARADDA DUULISTA IYO HAWADA EE MAQAN IYO MAAMULKA HAWADA LA GU MURANSAN YAHAY EE SOMALILAND IYO SOOMAALIYA SIYAASAD AHAAN SIDEE AYEY U TAAL?

Wasaaradda duulista iyo hawada in la ga dhigo hay’ad duulimaad iyo madaarro iyada oo aynaan weli helin aqoonsi, maamulin hawadeenna, ciidan cir difaacana aynaan yeelan waa ilduuf siyaasadeed oo ilaa iyo hadda aan aad u la tacajabsanahay. Inkasta oo wareegtada xafiiska Madaxweynaha ka baxday aaney saxeex iyo shaanbad toona lahayn oo iyaba cibaaro kale ah! Ujeeddada se aan u leeyahay maamulka hawadu wasaarad ayaa ku habboon ee hay’adi wakhtigan waa ku ilduuf waxa aan ku cuskanaya shan ammuurood oo siyaasi ah:-

 

Ammuurta koowaad waa; Soomaaliyada sida xasadka ah innoo ga dabo lulata meesha keliya ee aynnu awood ahaan iyo farsamo ahaan ku muransan nahay waa cirka. Dhul, bad iyo dawladnimo intaba waa aynnu ka madax-bannaan nahay. Duulista iyo hawadu waa qaddiyad siyaasiyan halgan dawladnimadeenna uga baahan maanta oo aan cir iyo hawo gacan innoo gu jirin. Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay hawadeenna maamusho oo ay la soo wareegto. Dedaal weyn oo ballaadhan ayey ammuurtaa ugu jirta – sidaa soo ay tahay waxa jira dawlado waaweyn oo ammuurtaa si aad ah uga la shaqaynaya oo hiil iyo hoo la garab taagan. Iyagu; waa Soomaaliya e, wasaarad sare oo wasiirkeeda leh ayaa u yagleelan oo ay rabtaa in ay kula wareegto maamulka hawadeenna. Maanta Madaxweynuhu durtaba waxa uu magacaabay hay’ad duulimaadka iyo madaarrada qaabilsan – wasaaraddii duulista iyo maamulka hawada sarena waa la tirtiray sida ay u egtahay. Waxa ay u muuqataa in aan la raacin gaadiidka ee la baabi’iyey oo la ga dhigay sidii wax u eg shirkad duulimaad iyada oo nin duuliye ahna madax loo ga dhigay!

 

Ammuurta labaad ee haddaba iswayddiinta lihi waa; Wasiirka Soomaaliya ee maamulka hawada u xilsaaran ma maareeye ayeynu hor fadhiisinnaa oo aan dhiggiisa ahayn? Maxay tahay sababta loo bahdilayo qaddiyadda hawadeenna? Saw ma habboona in la ilaaliyo marka hore waxa la yidhaa “Counterpart Act ” oo wasiir la ga hor geeyo wasiir dhiggiisa ah? Marka labaadna loo arko in maamulka hawadu yahay qaddiyad qaran sidaa darteed mansab sare loo irkado oo aan la hoosaasin?

 

Ammuurta saddexaad waa; In wasaaradda duulista iyo maamulka hawada bildhaanteeda iyo hawl galkeedu si weyn u ifo oo xaqa ummadda ee 27 sano ku dhawaadka dhacan gamcaha qaranka ku soo celiso waa ammuur masiiri ah, oo dastuuriyan ah, oo Somaliland aaney sinaba in ay u dhayalsato ahayn. Labada wasaaradood ee qarankeenna ka silloon ka ahi waa maamulka hawada iyo arrimaha dibedda. Sababtuna wax kale ma aha e, waa aqoonsi la’aan iyo in maamulkii hawadeennu aannu gacanta qaranka innoo gu jirin.

 

Ammuurta afraad; cidda loo magacaabayo duulista hawada ma jiraan wax la yidhaa duulis iyo madaarro iyada oo aan weli aqoonsi la helin e, oo ileen dawladnimadeenna oo aan weli sumad caalami ah yeelan hay’ad magac safar duulimaad ahi waa ku ceeb e, (Travel Agency) waa in ay noqotaa cid aqoon buuxda u leh sharciyadda caalamiga ah iyo heshiiyada duulimaadka hawada oo farsamo ahaan ka bixi karta hawsha loo igmanayo Af qalaad iyo sharci adduunna ku balaaqi ah. Si ay innoo gu suuro-gasho in madalaha caalamka iyo madxafyada adduunka aynnu si guul filasho ah uga garnaqsanno oo aynaan u khiyaamo hodmin. Dhanka kalena in aynnu Soomaaliya si xigmadi ku jirto aynnu isaga furdaaminno waa in la helo cid farsamo yaqaan ah oo aqoon iyo kartiba ku wadi karta Wasaarad duulis iyo hawo maamulkeed oo madax-bannaan inna ga la maqan oo aynnu baadigoob weyn ugu jirno.

 

Ammuurta Shanaad; waa in ay nasiib wanaag tahay in Madaxweynuhu magacaabay nin duuliye ah oo khibrad iyo waayo-aragnimo huwan, oo yaqaan habka iyo nidaamka maamulka hawadu u shaqeeyo oo guul ka keeni kara. Waxase iyana nasiib-darro ku ah duuliyaha sare in qaddiyad maqan oo masiiri ah la yidhaa ku baadigoob hay’ad iyada oo cidda aad is-haysaan (Soomaaliya) ay wadato oo ay walwaalaneyso wasaarad uu horkacayo wasiir kaa mansab sarreeya oo aannad dhiggiisa ahayn. Halkaa waxa ka dhacay waxa la yidhaa “counterpart violation”. Waxana ay u muuqan doontaa dawlad iyo maamul goboleed ku hoos jira oo garramaya marka uu maareeyaheennu hoos fadhiisto wasiir wasaaradeed oo dunidu weli u aqoonsan tahay in aynnu dawladdiisa ka mid nahay. Arrinta tani waa mid khatar ah siyaasiyan oo ilduuf ba’ani ka muuqdo. Waxana u la ga ma maarmaan ah Madaxweynaha cusub in uu dhakhso maaro ugu helo inta ay goori goor tahay.

 

In la xoojiyo oo itaal iyo awood dibloomaasiyadeed intii karaankeenna ah aynnu xoog iyo xiniin dul dhigno maamulka hawadeenna waa la ga ma maarmaan. Haddii ammuuri Madaxweynaha ka ahayd in la yareeyo wasaaradaha xukuumadda – boqol siyood oo loo yareyn karayey ayaa jirtay. Iyada oo aan kuwa qaranka wakhtiga kan u mihimka ah ee masiirka ummadda baadigoobaya aan meesha loo ga saarin qaar markoodii horeba lammaanida ku wacnaa.

 

Tusaale ahaan kala saarista ganacsiga iyo maalgashigu mihim ma aha ee waa is-feeraarin qorshe xumo ku timi. Sidoo kale kala saarista gaadiidka iyo hawlaha guud iyana waa farsamo xumo kale – halka jidadka ay ahayd in hay’ad gaar ah oo aan wasaarad ahayn loo xil-saaro. Madaxweyne Hay’adda dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka ayey ku habbooneyd e, kollaba ma aysan ahayn in aad u magacowdo qaddiyad maqan oo masiir qaran ah hay’ad magac duulis iyo maamulis madaar wadata.

 

Madaxweyne dhaliilahaaga sax go’aan qaadashadana miyir badan u yeelo. Waxa kale oo Mudane Madaxweyne aan kuu soo jeedin lahaa kolba haddii aad magacowday hay’adda duulista iyo madaarrada ka noqosho ma joogto e, fadlan maamulka hawada iyada ha u xilsaarin gaar ahaan wakhtiga wadahadallada maareeyaha iyo hay’addiisa duulimaadka oo ha wajihin in UU la gorgortamo wasiir ka mansab iyo hay’ad sarreeya. Shirarka Soomaaliya na ku lammaanee wasiirka arrimaha dibedda oo isaga u xilsaar siyaasiyan doodda maamulka hawada iyo qaddiyadda qaranka ee maqan.

Mohamed Hagi Mohamoud

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso