Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan bulshada ,ciidammada qaranka Somaliland hay,adaha nabadgelyada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan bulshada ,ciidammada qaranka Somaliland hay,adaha nabadgelyada.

Dal ama waddan waxaa uu ku taaganyahay awoodda Allaah dalka ilaahay raalli ka yahay waxa uu ku abuura ummad u daacad ah dalkooda iyo ciiddooda

hoggaan kasta haddii aanu haysan bulsho  danaynasa dalkooda  awooda ma yeesho waxaa Sharaf iyo qaddarin mudan bulshada kala duwan ee cadawga ilaalinaya waddankooda

Bulshada reer Somaliland

Waa bulsho sabur badan una dul qaatay wax kasta oo ay dhibsadaan kana feejig cid kasta qabyaalad damacda in ay ku maamusho kana door biday dhulkooda Allaah ku wada beeray.

Waa bulsho aan si dhib yar xaqooda loo duudsiyi karin

Haya,daha nabadgelyada

Waxay heegan u yihiin waddankooda ku qaaliga ah ee kuwii ka horreyey u soo halgameen.

Hoggaanka dalka

Dhaarta iyo dhibta ay leedahay qofka muslimka ah ee kitaabka allaah ku dhaartay waa inuu kaga dhabeeyaa wacadka uu ilaahay la galay oo aan cidi ka duwin waayo dhaarta oo aan sideeda loo raacin waxaa ka iman kara dhib joogto ah.

Culimada reer Somaliland

Waxaa la gudboon in ay sheegaan kitaabka Allah oo lagu  dhaarto waxa  ay diintu qabto.

Caqli ayaa xaqaaga lagu doonta ee xoog laguma doonto.

Dumarku xooggoodu waa xishoodka iyo aamusnaanta.

Raggana qiimihiisu waa waa inta uu danta guud geliyo.

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh.

Deeq Cabdi Digale

Attachments area

Advertisement

Ku Xayeysiiso