Theresa May Oo Sheegtay In ‘Aysan ka leexaneyn Wadada Ay Ku Socoto

Hargeysa(Toggaherer)-Theresa May Oo Sheegtay In ‘Aysan ka leexaneyn Wadada Ay Ku Socoto.

Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in xukuumadda Britain ay “u xaqiijineyso dadkeeda inay qalad tahay shakiga laga qabo” wadahadalada ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa Mayheresa May waxa ay sidoo kale sheegtay in tobankii maalmood ee lasoo dhaafay ay guul kasoo hoysay hanaanka dalkeedu uu uga baxayo Midowga Yurub.

Maalintii Jimcaha, Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa isku raacay wadahadalada ku saabsan xilliga la hirgalinayo heshiiska, waxaana suuragal ah in heshiiska ganacsiga uu bilowdo sanandka cusub.

Dhanka kale, Hoghayaha arrimaha dibadda Britain Johnson Boris ayaa ka digay in Britain aysan beddeli Karin sharciga MidowgaYurub ee muddada dheer soo jiray haddii kalen ay u bareereyso khatar ah inay noqoto “dowlad taabacsan”

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, Boris JohnsonMr Johnson waxa uu sheegay in Mrs May ay qabatay ” shaqo wanaagsan oo horey noogu dhaqaajineyso wadahadalada” ka hor inta aan la sameyn wax uu rumeysan yahay in dowladdu ay tahay inay raadsato sidii ay ku heli lahayd heshiiska mustaqbalka ganacsiga ee Midowga Yurub.

UK waxa ay dooneysa ” wax cusub oo macno leh, oo faahfaahinaya arrimaha canshuuraha gorgortana uusan ka jirin” xuriyadna u siinaya inay “ku jaan gooyaan nidaamyadooda iyo sharciyada u qaask aah.A yuu intaasi ku daray Mr Johnson

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso