Moscow waxay ugu baaqaysaa Washington inay ka baxdo luqadda hanjabaada iyo cadaadiska ka dhanka ah Pyongyang

Wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa walaac ka muujisay luqadda hanjabaadda iyo caqabadda cadaadiska dul saarnaanta reer galbeedka ah ee la xidhiidha faylasha waqooyiga Kuuriya.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa ugu baaqay Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya inay wada hadal yeeshaan, “si ay uga baxaan xaalad khatar badan.”

Joogtaynta Waqooyiga Kuuriya ee Tijaabooyinkeeda millatari iyo sidoo kale hawlaha milatari ee Maraykanka iyo xulafadeeda, ayaa hor istaagaya bilaabista wadahadal iyaga oo ku riixaya xaaladda taagan dariiq oodan, ayuu yidhi Ryabkov.

“Moscow waxay ka welwelsan tahay habka galbeedka, taas oo ay ku badan tahay caqabadda cadaadiska, taas oo aan ku eegnay fadhigii ugu dambeeyay ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee xaalka North Korea.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso