Laba Nin oo Dheenish ah Oo uu ku Tooriyeeyey Nin reer Nigeria ahi Dalka Gabon!!!

Laba qof oo deenish ah ayaa la dhaawacay oo mid halis yahay Sabtidii magaalada Libreville, falkaas oo nin u dhashay dalka Nigeria geystay waxaanu sheegay inu ugu aar gudayo weerarrada Mareykanka ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Raggan oo ka hawlgalayay Talfeeshinka National Geographic Channel ayaa u tagay Dalka Gabon baadhitaan waxayna u adeeg doonteen tuulo dalxiisayaashu tagaan, ayuu yidhi Wasiirka Difaaca ee dalkaasi Etienne Massar.

Sida laga soo xigtay Goobjoogayaal weerarka, ninkan reer Nigeria oo ah 53-jir ,ayaa falkan markii uu geysanayay ku dhawaaqayay Allaahu Akbar waxaana lagu qabtay isla goobtii.”

“Ninkani wuxuu ku noolaa Gabon muddo 19 sano ah, wuxuuna sheegay inuu ka jawaabayay weerarrada Mareykanka ee ka dhanka ah Muslimiinta iyo Aqoonsiga Maraykanka ee Qudus inay tahay caasimadda Israel,” ayuu yidhi.

Labada nin ayaa loo qaaday cusbitalka magaalada Libreville, mid ka mid ah xaaladiisu waa halis waxaana la dhigay daryeelka degdeg ah, afhayeenka xukuumadda iyo wasiirka warfaafinta Claude Bailey ayaa AFP u sheegay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso