Guddida arrimaha bulshada Ee Golaha Guurtida Ayaa Soo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta caasimada somaliland.

Hargeysa(Toggaherer)-Guddida arrimaha bulshada Ee Golaha Guurtida Ayaa Soo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta caasimada somaliland.

Guddida Arrimaha Bulshada ayaa maanta kormeer indho indhayn ah waxay ku tageen goobaha ay ka socoto howsha Biyo balaadhinta caasimada Somaliland waxaanay mudanayaashaasi ay oo warbixin buuxda ku soo celin doonta aqalka golaha guurtida somaliland oo ay faahfaahin ka siin doonan waxyaabaha ay ku soo arkeen Goobaha biyo soo saarka Ee kori haadlay iyo geedeeble oo howshaasi Biyo balaadhintu ay ka socoto.

Dhanka kalena xildhiban maxamed cabdiraxmaan oo ka tirsan Guddidaasi Arrimaha Bulshada ayaa daboolka ka qaaday inta xukuumada cusub xilka ay hayso in ay dhammaan doonto mashruuca howshaasi biyo balaadhintu,isla markaasina masuuliyiinta wakaalada biyaha Magaalada Hargeysa ay ku howlan yihiin biyo qaybinta caasimada somaliland.

Geesta kalena fadhi ay maanta iskugu yimaadeen golaha guurtida somaliland ayaa Gudoomiyaha Guurtida somaliland Md-saleebaan Maxamuud Aadan Waxa uu guddiyada golahaasi uu ka dalbaday in ay warbixinahooda soo diyaariyaan,isla markaasina ku soo talo galaan in ay warbixino kala duwan mudanayaasha golahaasi ka siiyaan arrimaha ay u xilsaaran yihin.

halkani ka Dhagaysi qodob wareedkaasi oo faahfaahsan:

Dhagayso guddida arrimaha Bulshada aqalka guurtida Somaliland Oo kormeer ku soo samaysay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso