Daraasiin ayaa ku dhintay kuna dhaawacmey weerar kaniisad ku taal Pakistan

Ugu yaraan siddeed qof ayaa la dilay Tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen weerar hubaysan oo kaniisad ku taal magaalada Quetta ee dalka Pakistan ka dhacay.

Kiniisada  waxa ka buuxay Koox ku Cibaadaysanaysay  markii laba nin hubaysan ay weerareen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Balochistan ayaa sheegay in mid ka mid ah raggii hubaysnaa lagu toogtay gudaha kaniisadda, halka kan labaadna uu isku qarxiyay gudaha kaniisadda.

Wasaarada arimaha dibada ee Pakistan ayaa weerarka ku tilmaamay weerar argagixiso fulaynimo ah.

Ma jirto koox ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso