Booqashadii Madaxweyne Butin Ee Dalka Suuriya… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

Booqashadii Madaxweynaha Ruushaka Butin uu ku booqday dalka Suuriya waxay aheyd dhoola-tus dagaal oo uu Ruushku ku muujinayay Awoodahiisa Meleteri & saldhiga uu Suuriya ku leeyahay inuna ka tageyn, iyadoo Ruushku hore loogu dhaliilay in uu dayacay saaxiibadii uu ku lahaa bariga dhexe sida Saadam Xuseyn iyo Qadaafigii Liibiya.

Si kastaba ha ahaate Butin ayaa khudbadiisii uu Suuriya ka jeediyey wuxuu ku soo qaatay hadalo ay kamid yihiin “Ciidamada Ruushka iyo Suuriya waxay awood u yeesheen inay ku jebiyaan ururkii ugu weeynaa Argagixisada Caalamka muddo labo sanno ah gudahooga”. isagoo sheegay inuu ciidamadiisa uu dhowaan  kala bixi doono dalka suuriya. 

Hadalada butin ayaa u muuqda dabaal deg iyo guul uu kasoo hoyay dagaaladaa, hase ahaatee kooxahaa mucaaradka ayaa iyaguna umuuqda kuwo diyaar garow horleh ku jira iyadoo aan la garaneyn halka ay arimahaa ku dambeyn doonaan. 

Ciidamada cirka ee Ruushka ayaa faro-gelin ku sameeyay dalka Suuriya bishii October ee Sanadkii 2015-kii iyadoo xiligaa dhulka dalka Suuriya 70% gacanta ugu jiray kooxihii kasoo horjeeday ee kacdoonada waday,iyadoo xidhiidhka ka dhexeeyay dalalka Ruushka iyo Suuriya uu soo socday mudo 45 sano ah.

Ruushka ayaa saldhigiisii ugu dambeeyay ee bariga dhexe wuxuu ku leeyahay dhulka Xeebta ee Tartus ee dalka Suuriya.

Mareykanka ayaa iyaguna ka qeyb qaatay dagaalada Suuriya iyagoo duqeeymo xaga cirka ah ka geeystay oo garaacay meelaha ay haystaan ururka Dowladda Islaamiga Ah (ISIS).

Sidoo kale Mareykanku wuxuu taageero maaliyadeed oo gaadheysa 14-Milyan oo dollar iyo Hub uu siiyay kooxda xoogaga mucaaradka Suuriya ee Dimuqoradiga ah, taas oo u suurto gelisay inay qabsadeen magaalada Raqqa.

Nidaamka Suuriya ee Bashaar Al-Asad ayaa iminka haysta aqlabiyada dalka Suuriya gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Dimisheekh, Ximsa, Xamaa, Xalabtii ku jirtay gacmaha mucaaridka xitaa sanadkii dhoweyd, kadib taageerada Suuriya ay ka heshay dalka Ruushka, dowladda Iiran iyo dagaalyahanada Xisbu-laah. 

Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa iminka u muuqda mid ku guuleystay taageeradii Xulufadiisa uu ka helay kadib markii mucaaradka Suuriya ee uu taageerayay Mareykanku ay u muuqdeen kuwa aan waxba sameeyn kareyn, kadib markii ay kala jabeen iyagoo oo aan weliba laheyn hogaamiye meeydaani ah oo xoog badan, kadib markii duqeeymo lagu laayay  abaanduulayaashoodii.

Shardigii Madaxweyne Asad inuu ka dego xukunka ee ay ku xidhayeen kooxaha mucaaradka marka wadahadalada ay la gelayaan ayaa iminka u muuqanaya mid aanu aqbali kareyn waaqica dalka Suuriya, marka laga eego xaga Diplomasiyada.iyadoo dalka ruushku uu cadaadis ku saarayo bashaar inuu degdeg ula heshiiyo kooxaha ku kacsan inta aynan wax taageero ah helin,si dagaalka suuriya loo soo afjaro.

Mareykanka ayaa ka maqan oo ka indho qarsanaya wadahadalada loo qabanayo dowladda Suuriya iyo Mucaaradka, wadahaladaas oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay (UN) ayna horkacayaan dalalka Turkiga, Ruushka iyo Iiraan. 

Khudbadii Madaxweyne Bashaar uu ka garab jeediyey Madaxweyne Butin ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa “Caawa waxan ugu yeerayaa doowladaha hore umaray inay nagu soo biiraan, si aan u joojino is dilka iyo dhiiga daadanaya ee Suuriya, taasina waa argagixisada noocyadeeda oo dhan”.

Hadalkaas oo u muuqanaya gardaro garab og iyo hadal kasoo baxay hogaamiye aan u diirnaxeyn shacabkiisa. 

Madaxweyne Trump ayaa maalmihii uu talada dalka Mareykanka qabtay gacan ka siiyay Ruushka garaacista goobo kamid ah dalka Suuriya, xaga sirdoonka iyo hagida, inkastoo Madaxweyne Trump bishii April ee sanadkan 2017-ka uu duqeeymo xoogan uu ugeeystay garoonka diyaaraha ee Shayray isagoo ku garaacay 59-gantaalo oo nooca Cruise-ka ah, halkaas oo xarun u aheyd Ciidamada cirka ee Bashaar Al-Asad, duqeyntaasi waxay ugeeystay qasaarooyin waaweyn oo kamid tahay:

-Waxa gantaaladaas ay burburiyeen goobo shidaalka laga dhoofinayay. 
-Waxay gantaaladaasi baabiiyeen difaacii cirka ee Suuriya.
-Waxay gubeen 20-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay Suuriya laheyd.
-Waxaa ku dhintay 85-askeri oo ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamaa cirka ee Suuriya.

Weerarkaasi waxaa loogu jawaabayay sida uu sheegay xoghayaha difaaca ee dalka Mareykanka (James Matts) Weerar maalmo ka hor Bashaar Al-Asad ciidamadiisa ay ku qaadeen Gobolka Idlib degmo ka tirsan oo la yidhaahdo Khansheikh, weerarkaas oo ahaa weerar kimika loo adeegsaday dad rayid ahna ay ku dhinteen, kuwaasi oo iskugu jirey Dumar iyo caruur ay tiradoodu gaadheysay 89-Qof.

Hadaladii Xoghayaha difaaca ee Mareykanka waxaa kamid ahaa “Inay talo xumo ay tahay haddii mar kale hub kimiko ah loo adeegsado dalka Suuriya”. Weerarkaas oo ay dad badan oo caalamka ku nool u arkayeen dagaal cusub oo ka dhex biloowday dowlada Suuriya iyo Mareykanka, haddana arintu halkaa may-dhaafin sababo aan la garaneyn awgeed.

Si kastaba ha ahaatee maamulka Trump ayaa umuuqanaya maalmaha dambe inay ogolyihiin qoyska reer Asad inay sii xukumaan dalka Suuriya, kadib markii Mareykanku ku guul dareysteen inay ridaan maamulkaa, waxaanay u arkaan inaan Awood meleteri lagu ridi kerin laakiin wadada keliya ah ee u banaan ay tahay inay ku bedelaan nidaam doorashooyin.

Waxa kale oo ay Mareykanku dareensanyihiin in doorashooyin xilka looga qaado Madaxweyne Bashar Al-Asad ay tahay arrin aad u adag oo ubaahan dadaal iyo halgan dheeraad ah.

Si kastaba arrintu ha ahaate waxay saadashu tilmaameysaa in Bashaar Al-Asad uu xilka sii hayn doono hadaanay Geeridu u imaanin ilaa 2021-ka doorashooyinka kadib.

Halka madaxweyne Trump uu xilka dalka Mareykanka uu ka degi doono. Taasi oo ku tusin doonta haduu alle yidhaahdo fashilka siyaasada Mareykanka ee bariga dhexe.

Al muhiim dadka reer Suuriya ayaa uhaajiray dibadaha, iyagoo inbadana ay ku barakaceen gudaha Suuriya kadib markii dagaaladii ay baabiiyeen aqaladii ay geli jireen, iyagoo kuwa kale oo faro badana ay ku dhinteen dagaaladaa, ayaa waxaa la odhankaraa kacdoonadaasi waxay ahaayeen ayaan daro iyo hoog ku dul habsatay dalka Suuriya iyadoo dowladda haysatana ay tahay cadow dadkeegii leeysay. Ilaahay ha ugar-gaaro Walaalaheen Suuriya.

Waxa maqaalkan idiin soo diyaariyey Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibar oo ah qoraa wax ka qora siyaasadaha Bariga dhexe.

Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: +252(63)-4453653 / +252(65)4453653
Borama – Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso