Ayaan-daran, qabiillo ayey ku xabeebatay!

Isla markii lagu dhawaaqay golaha wasiirrada ee xukuumada cusub, waxa loo baretamay sidii reerahooga loo ogaan lahaa, masuuliyadda ugu weyn ee la isa saarayna waxa ay noqotay ogaanshaha reeraha ay ka soo kala jeedaan golahaasi. Geed dheer iyo mid gaabanba waa loo koray kaliya si loo ogaado reerahooga, wakhti yar kadibna waxa aynu ogaannay dhammaan reeraha ay ku kala ab-tirsadaan golaha la magacaabay, waxaana xigtay reer hebel ayuu u badiyey, reer hebel baa maqan iyo reer hebel waa uu ku yareeyey! Goob kasta oo aad istaagto iyo qoraal kasta oo aad akhridaba waa reer hebello! Taasi waxa ay ahayd faallo ina tusaysa waaqica bulshadeenna, waana asalka mushkiladda aynu ka nuuxsan la’ nahay, dowladnimo nuxur lehna uga caagan nahay. Aad iyo aad ayuu u koobnaa qof is weydiiyey aqoonta iyo waayo-aragnimada golaha wasiirradu! Caddaaladdii waxa lagu sar-gooyey waayidda iyo helidda ay shakhsiyaad ka soo jeeda reer hebellada dalka ku kala filiqsani ka heleen golaha wasiirrada. Taasina waxa ay noqotay qiimaynta dhabta ah ee dadkeenna, waa dadka dowladnimada tayada leh ee horumarka raadinaya’e. Haddaba mar haddii ayt bulshadu sidaas wax u qiimaynayso, lama yaabbani in gole wasiirro ah oo wada tabcaan ah reeraha ay bulshadu ku kala ab-tirsato loogu qaybiyo, waayo sidaas ayaa ah sida kaliya ee ay raallida ku noqonayaan! Isma ay weydiin wasiir la magacaabaa waxa uu reer dhan ku soo kordhiyo, amaba reerku haddii uu wasiir waayo waxa ka go’aya. Dowlad fiican oo la helo waxa ay ku doorsanayaan wasiir reerkooga la siiyo, qarannimo la helana waxa ay ka jecel yihiin qabiilkooga oo hal maalin inta far waaweyn lagu soo qoro, warka madaxdiisa lagu soo daro! Mid xaalkiisa nololeed uu adag yahay, saddexda wakhtina laba wakhti dirqi ku hela ayaa ku faanaya shan wasiir ayaanu leenahay! Kala fogaa xaqiiqada dowladnimada iyo fikirka aynu ka haysannaa ummad ahaan! Markaad aragto caqliga sidaas u abaaroobay ee aan is weydiinayn aqoonta, waayo-aragnimada, taariikhda iyo dhaqanka shakhsiyaadka ku magacaaban xilalka ugu sarreeya ee qarankooga, kaliyana ku yulqamaya reer hebel baa maqan iyo reer hebel baa laga tegay, waxa aad u diyaar-garoobaysaa sannado kale oo madhan (zero years). Waxa jira wasiirro badan oo aan aqoon iyo waayo-aragnimo midna u lahayn wasaaradaha la dul fadhiisiyey iyaga oo aan waxba ku soo kordhinayn wax ay ka dhimaan mooyaane. Waxa jira wasiirrada qaar aynu ku naqaannay habacsanaan, han-yari iyo aragti cidhiidhiya oo dunidaba irbad-daloolkeed ka arki jiray in haddana loo magacaabay wasaarado u baahnaa aragti fog, fikir dheer iyo dedaal badan. Tallaabada koowaad ee laga saadaalin karayey xukuumadda cusub ee dhalatay waxa ay ahayd magacaabidda golaha wasiirrada, balse ayaan-daran waa ta ku xabeebatay reer hebello.

 
Qore: Maxamed Sharma’arke
 

Advertisement

Ku Xayeysiiso