Oromo Lagu Eedeeyey Inay Soomaali -laayeen.

Hargeysa(Toggaherer)-Oromo Lagu Eedeeyey Inay Soomaali -laayeen.

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen inay ahaayeen dad maxaabiis ah.

 

 

 

 

 

 

Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in dadkaas markii la laayeen ka dib lagu riday meel god ah.

Inkastoo aysan eedeyntaas xaqiijin ismaamulka Oromiya, ayey haddana dad goobjoogeyaal ah sheegayaan in tiradu ay intaas ka badan tahay.

Waxaa kale oo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta.

Idiris Ismaaciil ayaa u warramay wariyaha BBC Aadan Saalimiin.

Xigasho Idaacada Bbc-da.

Advertisement

Ku Xayeysiiso