“Nebigu NNKH waxuu sheegay in Ku-Tagi-Falka Hantida Ummada Abaalmarinteedu Tahay Naar…” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

“Qofka noo shaqeeya ee hantida ummada gacanta ku haya, ee qarsada irbad iyo dunteed waa tuugo, maalinta qiyaamahana… “ xadiis Nebiga NNKH.

Hargeysa-Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa sheegay in qofka bulshada xilkeeda & hantideeda gacanta ku haya, ee qarsada irbad iyo dunteed uu tuug yahay, sida nebigu NNKH xadiis inoogu sheegay maalinta qiyaamahana la keeni doono isagoo sida.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha maanta (shalay) kaga hadlay halista hanti ummad wada leedahay ku-xad-gudubkeeda, sida sharciga uga digay, sababaha keena ku xad-gudubkeeda iyo sida loo ilaalin karo ayaa ku bilaabay:

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Hantida guud micnaheedu tahay waxii ummadu wada leedahay, ama ha kala maqnaadeen, ama meel ha wada joogaane, waxaanu yidhi,

“Hantida guud waa waxii ummadu wada leedahay, ama ha kala maqnaadeen, ama meel ha wada joogaane waxii xoolo ay wada leeyahiin, haduu doono masaajidkan iyo hantidiisa ha noqdaane, ama lacag ka dhexeysa, ta jaamacada iyo iskuulka, ta madrasada iyo malcaamada, qabiiladu lacagta ay wada leedahay ee xisbaata baanka ku jirta, iyo hantida dawladda oo ta ugu daran ah, hanti kastoo la wadaago ku xad-gudubkeeda xumaanta ay leedahay.

Cumar binu Khadaab oo tafaasiil ka bixinayey hantida ummada ayaa sheegay inuu la mid yahay hantida agoonta ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“Xoolaha agoonta ee Ilaahay quraanka ku sheegay in layska ilaaliyo ayuu ku tilmaamay Cumar binu khadaab inuu u arko hantida ummada. Hanti kastoo la wada leeyahay hanti agoomeed ayey la mid noqonayaan.

Ilaahay SW quraankiisa wuu kaga hadlay halista ku xadgudubka hantida ummada ka dhexeysa, sida aayad micnaheeda tahay, “Xoolahaad haysataan ee dhexdiina xad-gudub ha ku kala cunina.” Waa xaqdarro iyo sharcidarro.  Culimada qaarkood ayaa sheega in hantida ummada ka dhexeysa oo la cunaa la mid noqonayso iyadoo dadkii la dilay, ilayn hadii hantidii dadka masaakiinta inta u madax ah isticmaasho gaajo ayey u dhimanayaane.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nebi Maxamed NNKH ka digay ku xad-gudubka hantida ummad ka dhexeysa inta ugu yar, wax badana hadalkeeda daa, waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed NNKH ummada islaamka waxuu uga digay cunitaanka hantida ummad ka dhexeysa inta ugu yar, waxaanu xadiis micnahiisa inoogu sheegay, “Qofka noo shaqeeya ee hantida ummada gacanta ku haya, ee qarsada irbad iyo dunteed waa tuugo, maalinta qiyaamahana isagoo xambaarsan ayuu la imanayaa.” Ka dib nin asxaabi ah ayaa istaagay oo nebiga NNKH ku yidhi, ‘amaanadii aan hayey iga qabo’ markuu nebigu weydiiyey sababtana waxuu saxaabigii yidhi, ‘balaayo ayaad ku sheegtay,’ ka dibna Nebi Maxamed NNKH waxuu ugu jawaabay imikaan ku leeyahay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nebi Maxamed NNKH cadeeyey in shafeecadiisa iyo ergadiisa maalinta qiyaame aanay waxba u tarayn qof hantida ummada cunay, waxaanu yidhi,

“saxaabiga Abu-hurayra ayaa yidhi maalin ayuu Nebiga NNKH  khudbad u jeediyey saxaabada, waxaanu yidhi “Waar dadyahow yaanan qiyaamaha idinla kulmin iyadoo midkiin xambaarsan yahay awr ololaya, sac ciyaya, iyo neef xoolo ah oo ciyaya, iyo lacag kaash uu ummada ka xaday isagoo sita, isagoo ku calaacalaya rasuul allow ii gurmo, anniguna waxaan u celinayaa ‘maanta wax aan kuu qaban karo ma jirto, hore ayaan kuu soo gaadhsiiyey halisteeda’

Nebi Maxamed NNKH waxuu sheegay in ku-tagi-falka hantida ummada abaalmarinteedu waa naar, ayuu sheegay Sheekh Dirir waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis macnahiisa inoogu sheegay, “Dadka qaarkood ayaa xoolaha ummada iska dhex-dabaalanaya, maalinta qiyaamaha abaalmarintoodu waa naar.

Dadkii saalaxiinta ahaa ee jannada aynu doonayno doonayey, isla markaana cadaabka aynu ka cararayno ka cararayey sidii ay hantida ummada ula dhaqmi jireen inaynu casharo ka barano ayaa muhiim ah. Cumar binu Khadaab iyo inankuu awoowga u ahaa Cumar binu C/casiis ayey dhowr tusaale ka soo qaadanaynaa, siday naftooda, ubadkooda, ooryahooda iyo ehelkooda uga ilaalin jireen, inaanay gaadhin cuqubo ka dhalata hanti ummadu wada leedahay.

Cumar binu Khadaab, Ilaahay haka raali noqdee ayaa maalin xaaskiisi caatika la hadashay, waxay tidhi, ‘Cumarow xoolo ayaa la keenaa baytal-maalka, weliba annigu cadarka miskiga ee la miismiiso ayaan calaamadsaday, kolayba dad ayaa ka shaqeynaya oo mishqaayad ka qaadanayee, aan ka mid noqdo? Cumar waxuu ugu jawaabay, hadaad ka shaqeyso, markaad hawsha dhamayso inaad cadarkii gacmahaaga ku ba’ay aad timaha marsato ayaan ka baqayaa, oo cadarkaad iibsan lahayd kaga maaranto, markaa iska jog dad kale ayaa ka shaqeyne.

Qiso kale oo soo martay Cumar binu Khadaab ayuu Sheekh Maxamed tafaasiil ka bixiyey, isagoo sheegay in awliyada Alle, aragtidooda, afkooda iyo urintooduba xeel-dheerayd, waxuu yidhi, “Maalin ayaa nin u shaqeyn jiray Cumar caano u keenay, markaa ayuu dareemay in caanahu kuwii loo keeni jiray ka duwan yihiin, markaa ayuu weydiiyey, xagaad ka keentay? Waxuu ninkii shaqaalaha ugu jawaabay Cumar ‘neefkaan kuu soo lisi jiray ayaa is-jaqay, markaa xoolaha ummadu wada leedahay ayaan kaaga soo lisay? Ninkii ayuu Cumar canaantay, una sheegay inuu caanaha qiimahooda soo ogaado, si uu jeebkiisa uga bixiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso