Mudanyaasha Golaha Wakiilada somaliland Ayaa Maanta Waxay Dood Adag Ka Yeesheen Qabyo Qoraalka Xeerka Maareynta Deegaanka Qaranka Somaliland..

Hargeysa(Toggaherer)-Mudanyaasha Golaha Wakiilada somaliland Ayaa Maanta Waxay Dood Adag Ka Yeesheen Qabyo Qoraalka Xeerka Maareynta Deegaanka Qaranka Somaliland.

Fadhigii maanta Ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed faarax ayaa mudanyaasha Golahaasi waxay fadhigoodii maanta ay kaga doodeen qabyo qoraalka xeerka deegaanka Qaranka somaliland iyadoo mudanayaashi dooda maanta ka qaybqaadanaayey ay isku aragti dhadhawaayeen ayaa mudanayaasha Golahaasi wakiiladu waxay talo ahaan ku soo jeedinaayeen in qabyo qoraalka xeerka deeganka qaranka somaliland aanu golahaasi si fudud kaga gudbin,isla markaasi Guddi ka soo talo bixisa loo saaro .
Halka mudanayaasha qaarkoodna ay doodooda ku soo jeedinaayeen in xeerarka sahaminta shidaalka dalka la dadajiyo maadaama ay wadanka ka socoto howlalah sahaminta shidaal maadhis ah,iyo laga hortago xaalufinta iyo nabaad guurka wadanka ka socda.
Halkani ka dhagayso qodobwareedkaasi:

Dhagayso warka mudanayaasha wakiilada somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso