Tayo Darada Daawooyinka Dalka

Madaxwayne muuse bixi abdi waa in ay bulashadeenu helaan cuntooyin wanaagsan iyo dawooyin tatadooda ay hubaan hayada tayada dalka iyo gudida minhadlayaasha caafimaadka oo ka seexday wajibaadkii shaqo ee dadka dalka xukumada iyo ilaahay u igmaday inay sideeda u gutaan bulashada ka shaqaysa caafimaad qabka bulshadoodu waxay ku talaabsadaan hoerumar deg deg Iyadoo ay luntay maamulkii siyaasada caafimaadka dawliga kadib markii ay gudan kari waayeen masuuliyadii ay dawladu u igmatay inay wax ka qabtaan labadan hayadood hayada tayada dalka iyo gudidada minhadlayaasha caafimaadka kadib waxa abuurmay in dalkeenu uu noqdo goob qashin qub oo loo iib geeyo rashin cuntooyin daawooyin dhacay oo sababay soona gaadhsiiyey bulashadeena cuduro waxyeeleya caafimaad qabkoodii gaarka oo dalka hore aan uga jirin sida noocyada cudurka cancerka oo maalin kasta ay u dhimanyaan dad badan oo ah muwaadinin rayid ah waxa sidoo kale samaysmay in ay hoos u dhacdo awoodii iyo haybadii shaqaalahii caafimaadka sida mushahar aan ku filnayn guno la an maamul taas oo keentay in laga doorbido musuqmaasaq laalush naafeeyey hawlihii ay u xilsaarnaayen ee tayada daawooyinka iyo cuntooyinka dalka dibada uga yimaada iyadoo ay samaysmeen farmasiyo iyo ruga caafimaad dhamaan gobolada dalka oo ay ka shaqaynaayan shaqaale ajanib ah oo aan lahayn aqoon caafimaad iyo sharci u fasaxaya in ay ka ganacsadaan caafimaadka iyo daawaynta muwaadininta dalka jahawareerkaa caafimaad ee lasoo darsay bulshadeena rayidka waxa abuurmay goobo iclaajya oo ay naftu ku khasabtay in ay caafimaad ka raadiyaan oo ay haystaan dad aan waxba dhaamin aqoon ahaaneed bukaha caafimaad qabka raadinaya waxa abuurmay halkii laga raadinaayey caafimaadka bulshada oo sugma in ay si fudud u faafan cuduro badan bulshada dhexdeeda
Iyadoo dekadaha iyo airport dalka aanay jirin qalab lagu ogaan karo nooca dawooyinka dalka dibada uga imanaya iyo sifaha tixraac sharci ee lagula socon karo nooca daawooyinka dalka sameeyey daawadu noocyada ay ka kooban tahay iyo sifa sharci ee dal ku galinta daawooyinka dalka dibada uga yimaada
Iyadoo daawooyinkii dalka dibada uga imanayey la ogaaday bukahii loo qoray markuu arimo baadhis caafimaad dalka dibada ugu baxay in xanuunkii uu ka cabanayey ay ka badnaatay waxyeelada caafimaad daro ee bukaha caafimaadkiisi ka soo gaadhay daawooyinkii uu isticmaali jiray waqtigii dalka uu joogay taas oo ay sababtay field caafimaad ee dawliga ahaa oo meesha ka baxay
Mushkuladaha iibka dawooyinka dalka oo sii batay waxay sababeen in sii bataan pharmacyadii iyo rugahii caafimaadka daka iyagoo aanay jirin aqoon caafimaad oo ay ku shaqaysanayaan ama sifo sharci dawladeed oo lagula socdo furnaantooda sharci meheradeed
Dawooyinkii oo aan la garanayeyn in ay dalka dibada uga yimaadanan iyadoo taarikhdii hore laga soo badalay oo tariikh cusub lagu soo dhuftay iyadoo aanu jirin qalab casriya oo lagula socon kara tayada dawooyinka dalka dibada uga yimaada
Ganacsatadii dalka dibada uga keenayey daawooyinka iyo cuntooyinka aynu isticmaalo oo ka door biday fayaqabka dadkoodu in ay helaan cuntooyin nadiif iyo daawooyin cusub faa ido raadin ganacsi xaaran ah oo shilin lacageed markii hayadii u xilsaara masuuliyada hawshan shaqo sida hayada tayada dalka iyo gudida minhadlayaasha caafimaadku ay ka seexdeen wajibaadkii shaqo ee xukumada dalku u igmatay in ay qabtaan

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
HYPERLINK “mailto:buux2010@gmail.com” buux2010@gmail.com 063 4130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso