Maxay ka Duwan yihiin Golaha Wasiiradda Cusub ee la magacaabay Iyo kuwii Xukumaddii Horre ee Madaxweyne Siilaanyo?

Maxay ka Duwan yihiin Golaha Wasiiradda Cusub ee la magacaabay

Iyo kuwii Xukumaddii Horre ee Madaxweyne Siilaanyo?

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md Muuse Biixi ayaa soo dhisay xukuumad ka kooban 32 xubnood . Iyaddoo ay Wasiiradda cusub ka kooban 23 Wasiir Iyo 9 Wasiir ku- xigeen. taasi oo ay Bulshaddu dareeno kala-gedisan ka bixiyeen. Waxaana meesha ka baxay hadal-hayn badan oo ahayd in Golaha Wasiiradda aad loo soo koobayo.

Sidoo kale Golaha cusub ee Wasiirada waxaan ka muuqan Siyaasiyiin si weyn loo hadal-hayey oo dood ka taagneyd Sida Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Ex- Cabdilaahi Maxamed Ducaale. Xildh. Axmed Cabdi Kijaandhe . Xasan Siciid (Xoghayaha Kulmiye).  C/rashiid Xasan Mataan. Ex- C/casiis Samaale. Jaamac Shabeel. Jamaal Cali Xuseen . Maxamed Cali Bile iyo kuwa kale.

Waxaa la filaayey in Wasaaradaha la kala qaadey dib la isugu celin-doono :  Sida Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda, Dekadaha iyo Gaadiidka. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Deegaanka Dhirta & Daaqa iyo  Wasaaradda Hawlaha Guud Hawadda iyo Gaadiidka.

laakiin Wasaaraddii hore ee Hawlaha Guud. Gadiidka Iyo Sameynta Jidadka . Waxaa loo kala gooyay labo Wasaaradood, Taasi oo Wasaaraddii Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland oo ay hoos iman-jirtay Haayada Wadooyinkuna. waxay iminka noqatay laba Wasaradood:  Cabdirashiid Xaaji Ducaale ayaa ah Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta oo keliya . Halka Cabdilaahi Abokor uu yahay Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka.

Waxaa jira wasaaraddo la is raaciyey Sida Wasaaraddii kaluumeysiga oo raacday Xanaanada Xoolaha

Xassan Gaafadhi ayaa noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga, Waxaa aan weli jirin laba wasaradood oo hore u jiray sida:  Wasaaradda Madaxtooyadda iyo Wasaaradda Duulista Iyo Hawada.

Balse lama oga sida ay wax noqon doonaan Wejiga labaad madaama waqti kasta ay wax iska bedali karaan sida ay hada wax u dhaceen  inkastoo la filayo in ay Wasaaraddaha iyo xilalka kale ee maqan inta badan ku imaan doonaan Qancinta iyo Qawadka Beelaha Somaliland.

Wasiiradda la magacaabay ayey ku jiraan wajiyo cusub oo weliba dhalinyaro oo badan . Balse ay ku yar-yihiin dadkii horre xilalka u soo qabtey isla-markaana hore uga tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Sida Wasiirka Waxbarashadda Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir “Faratoon” . oo aan ahayn nin ku cusub Siyaasadda . waxaana uu hore u ahaan jirey Wasiirkii Arimaha Gudaha ee Xukuumaddii Siilaanyo.

Wasiirada qaar waxaa ka mid ah Siyaasiyiin caan ah oo horey xilalkii wasiirnimo dalka uga soo qabtay.

Sida Wasiir Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Amniga. Waxaana wasiir looga dhigey Muj. Maxamed Kaahin Axmed waana masuul si weyn looga yaqaan Somaliland . kaasi oo muddo ka soo shaqeeyey Nabeynta Iyo Siyaasadda S/land tan iyo Xukuumaddii ugu Horeysay Somaliland  ee AHN Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali , Waxaana la aaminsan yahay in shaqadda Wasiirka Gashaandhiga uu hore uga soo qabtey, Waa nin si weyn loogu yaqaan Arrimaha Amniga iyo Ciidamadda, hadalkiisu cad yahay xidhiidhna la leh saraakiisha ciidanka.

Xukumaddan Cusub Dumarka ayaa tiro ahaan weli ku qatan .  Waxayna heleen labo xubnood, marka loo eego xukuumaddihii hore waxba uma soo kordhin Haweenka. Wasiiradda Deegaanka Shugri Baandaare waxaa loo magacaabay isla Wasaaradeedii hore ee Degaanka. Lakiin waxaa ku soo biirtay Siyaasi. Hinda Jaamac “Gaani” oo ah xubin aad u firfircoon Waa : Wasiirka Shaqadda iyo Arimaha Bulshada.

Waxaa kale ka dhex-muuqda xubno dhalinyaro oo ay tiradoodu badan tahay. kuwaasi oo dalka Gudihiisa wax ku soo bartay. Arintani waxay rajo weyn ku abuurtay : Dhalinyaradda Somaliland. siiba xubnahan dhalinyaradda ah ee Xukuumadda Madaxweyne Md. Muuse Biixi  ka dhexmuuqda oo madax looga dhigay : Todoba Wasaradood Waxaana ka midda : Wasiirka iyo  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Cadaaladda. Wasiirka Horumarinta Iyo Maalgashiga. Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Technogy-yadda. Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibadda Iyo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta. Arintani ayaa muujinaysa kalsoonida iyo mudnaanta dhalinyaradda wax ku baratay jaamacadaha kala duwan ee Dalka.

Waxaa la islahaa wasiiro intan ka sii kooban baa la keeni doonaa. Taasina Somaliland waa ku dhib weli , laakiin haddii aad fiiriso Isbeddalkii iyo Himiladii dadka Somaliland ay dhowrayeen iyadana way ka muuqataa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Dadka ka faallooda Arrimaha Siyaasadda Somaliland iyo Caalamka kale . Ayaa sheegay in marka la fiiriyo tiradda Wasiiradda la magacaabay ay aad u kooban yihiin . marka loo eego dhinaca dhaqaalaha. iyadoo lagu tilmaamay in badiba wasiiradda la magacaabay ay yihiin kuwa dhalinyaro ah iyo kuwa kale oo aan weli la tijaabin taasna uu is beddalkii la filayey uu iman-karo. suurta-gal noqon-karta in ay u fududaan karto in ay ka gudbaan marxaladda dalka uu maraayo.

Si kastaba ha ahatee , Xulashada Wasiirada cusub ayaa muujinaysa in madaxweynuhu uu si degan oo wadaniyad ku jirto u soo doortay Wasiiro u badan dhalinyaro oo aqoon leh, laguna yaqaan karti iyo hufnaan. isla-markaana ay ka muuqato bisayl siyaasadeed oo dhiiri galinaya in dhammaan laga wada qeyb qaato Siyaasadda wadanka qof walbana ay suuragal tahay inuu ku biiriyo aqoontiisaa iyo kartidiisa marka uu soo maro waqtigu.

Golaha wasiiradda cusub ayaa u baahan in fursad la siiyo . Waxaana ay hortagi-doonaan Golaha Wakiiladda Somaliland .  Si codka kalsoonida loo siiyo. laguna dhiiri galiyo siday kaalin weyn uga qaadan lahaayeen iyo  inay wax ka badelaan xaaladda wadanku ku sugan yahay haatan.

Waxaan Ilaahay uga baryeynaa Wasiirada cusub in ay u horseedaan ummadda Somaliland Cadaalad . Nabad, Midnimo, iyo Horumar . Si looga baxo dhibaatadda Sixir-bararka Iyo Abaaraha soo noq-noqday.
Adan Yusuf Elmi.

Birmingahm. UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso