Mahathir Mohammed oo ku baaqay in lala dagaallamo “Shar Wade” Trump ka dib go’aankiisa ku saabsan Qudus ta la haysto!!!

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahathir Mohamad ayaa ku sifeeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Shar Wade ka dib markii uu ka qaybgalay mudaharaad lagag soo horjeedo safaarada Mareykanka u wareejiyay magaalada Barakaysan ee Qudus ta la haysto.

Mahathir Mohamad ayaa yidhi “Waa in aan isticmaalno awooddeena oo dhan si aan ula dagaallanno Shar Wadaha,” oo uu ula jeedo madaxweynaha Mareykanka ,Mahathir Mohamad ayaa yidhi intii lagu jiray dibad-baxyo afaafka safaaradda Mareykanka ee Kuala Lumpur, isaga oo ugu baaqay dhammaan dalalka Islaamka in ay xidhiidh ka u jaraan ay la leeyihiin Israel.

Dhiniciisa siyaasiga kale ee mucaaradka ah Mohiuddin Yaasin, ayaa ugu baaqay xukuumadda Malaysiya in ay ka tanaasulto qorshayaasha maalgashi ee Maraykanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso