Maaraynta qashinka magaaloyinka ujeedada laga leeyahay waa in qashinka si cilmiyeysan looga maareeya magaaloyinka

Maaraynta qashinka magaaloyinka ujeedada laga leeyahay waa in qashinka si cilmiyeysan looga maareeya magaaloyinka dalka kadib qashinka dib looga faidaysto recycle system si dhaqaale abuur loo helo qashinka oo caafimaad xumo bilic xumo ku haya magaalooyinka dalka uu aad u yaraado qashinka dadka ka shaqaynaya waa in ay sitaan ama had iyo goor ay gashadaan qalabka loogu talo in lagaga hor tago waxyeelada ka iman karta qashin ururinta wacyi galinta ayaa ka horaysa wax kasta oo la qabanaayo waa in bulshadu fahantaa marka hore qashinka oo aan loo basrin sida ugu haboon iyo waxyeelada caafimaad ee ka iman karta
Dawlada hoose dalka waxa waqti xaadirkan u yaala fursado shaqo oo lagaga hortagi karo shuban biyoodka laguna sugi karo nadaafada caasimada uu ka masuulka yahay sida in la joojiyo biyaha ceelasha dooxa iyo dameerada biyaha ganacsi ka iibiya bulshada waa in moyarku si gaara u eega nadaafada biyaha booyada ee caasimada waraabiya madaama aanay biyaha qasabadaha aanay soo gaadhin caasimada qaybo ka mida in uu qaado olole nadaafadeed dhaaman shirkadaha caasimada in uu diyaaariyo teem staf heegan ah oo fayadhowrayaal aqoon waxbarasho leh haday jiraan
Dawlada hoose oo aan waqti xaadirkan lahayn shaqaale leh aqoon fayadhowr oo ay bulshada kaga wacyi galiyaan waxyaabaha ay ka dhalan karaan shuban biyoodka oo hada si xooga uga jira gobolada bari waxa loo baahan yahay in la sugu nadaafada sida goobaha hudheelada cuntada gaar ahaan goobta cunto karinta sidoo kale waa in aynu ka wacyi galina kuna qasabnaa dadka cuntooyinka afka banaan ku iibinaya suuuqyada magaaloyinka sida goobaha sariibadaha waa in bac nadiifa lagu daboola sidoo kale waa in la qaada qashinka daadsan goobaha magaaloyinka gaar ahaan dawlada hoose iyo shirkadaha waxa kadib loo baahan yahay in la buufiyo goobaha qashinka qoyan yaalo sida dump site waa in laga hela maamulka dawlada hoose shaqaale tababaran oo leh aqoon fayadhowr oo gurman kara hadii shuban biyoodkan isku badalo cloarea break out oo bulshada ku hagi kara aqoontooda fayadhawr
Baahida biyo yaraanta iyo qashinka magaaloyinka oo si fiican loo maarayn basrin waayo waxa ka dhasha xanuuno halis caafimaad daro soo gaadhsiya bulshada sidaa daraadeed waxa waajib ah in la ilaaliyo nadaafada biyaha iyo weelka biyaha aynu ku shubano
Biyahu waa noolasha aadamiga jidhkeenu 94% waxa uu ka samaysan yahay ama u badan yahay biyo sida qaybaha habdhisyada jidhkeenu ay u baahanyahiin in ay ku shaqeeyan biyo sida wareega dhiiga habdhiska dheefshiidka aadamiga etc
Waxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor aad u badsano isticmaalka biyo nadiifa oo dawaysan waxa kale oo loo bahanyahay in aynu ka shaqayno fayadhowrka nadaafada biyaha iyo nadaafada weelka aynu ku shubano ama ku kaydsano biyaha nadaafada weelka kaydinta biyaha oo aan la ilaalin had iyo goor waxa ka iman kara nadaafad xumo
Sidoo kale waxa loo baahan yahay in had iyo goor la ilaaliyo nadaafada biyaha baliyada harooyinka waa in aan lagu dul maydhin dharka ama aan lagu saxaroon agaagarka biyaha sidoo kale waa in had iyo goor laga feejignaada waqtiga waraabinta xoolaha in xoolaha lagu sii daayo goobta keydka biyaha
Waxa kale oo loo baahanyahay oo masuuliyad culusi inaga saarantahay nadaafada magaaloyinka oo loo bahanyahay in aynu xil iska saaro maaraynta qashinka oo si fiican loo basriyo qashinka waa in lagu keydiyaa weel dabool leh oo hawada u furan waa in la dhigaa goob ku haboon waa in aan qashinka lagu tuurin wadooyinka iyo sharacyada dawlada hoose waxa loo bahan yahay in ay had iyo goor si feejigan ula socdaan nadaafada magaaloyinka iyo hadba heerka uu marayo qashinka magaaloyinka iyo goobaha laga qaaday iyo inta uu kg ee qashin ah ee laga saaray magaalada maalintii si loo helo data waxqabad oo lagula socdo xajmiga baaxada qashinka magaaloyinka dalka iyadoo bulshadeenu aanay xil iska saarin nadaafada deeganka iyo waxyeelada cafimaad daro ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican aan loo basrin ama aan loo marayn

Waxa kale oo loo bahanyahay in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galan qashinka magaaloyinka iyo shirkadaha u xilsaran maaraynta qashinka magaloyinka oo waqti xaadirkan aad moodo in la leeyahiiin heeshiis qarsoon moyarka caasimada maadama oo aan la kala saarin heerkooda waxqabad maareyn qashin iyo qalabka ay ku maamulayaan maaraynta qashinka magaaloyinka kadib sida uu dhigayo heshiiskii qashinka magaaloyinka dalka sida shirkadaha privite sectors iyo dawlada hoose ppp waa in dib loo eega shirkada kasoo bixi wayda heshiiska
Waa in aynu had iyo goor u feejignaana nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka hadii nadaafada xumaato ma jirto noolal iyo caafimad qab ay bulshadu ku naaloto waxaana dilaaci kara oo dalka ku fidi kara xanuunka shuban biyoodka oo hada ku soo fidaya gobolada dalka
Qofka oo biyo nadiifa oo uu waqti kasta isticmaalo cabitaankooda siiba waqtiga aroortii marka uu tooso waxay daawo ka yahiin xanuunada calool istaaga iyo cuduro badan oo ay keenan biyo yaraanta
Waxa waajib in had iyo goor aynu si feejigan uu u ilaalino nadaafada deegankeena iyo nadaafada gooboha ay inoo soo maraan
ilaha biyaha aynu ka helo ama aynu ku kaydsano biyaha sida foostoyinka jirikamada etc oo u baahan in si gaara loo nadiifiyo waqti kasta waa in laga ilaaliya xayaawanka ooman sida ayda bisadaha

Fariin caafimaad

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
HYPERLINK “mailto:buux2010@gmail.com” buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso