Hambalyo Iyo Taageero Ku Socoda Aqoonyahan Maxamed Xuseen Jaamac Oo Ah Xildhibaanka Doorashadda Golaha Wakiiladda Somaliland U Taagan

 

Anigo aha maxamed cali rooble waxaan halkan Bulshadda reer Somaliland doonayaa in aan uga soo gudbiyo gaar ahaan Beesha aan ka soo jeedo ee Baho Dhamal in aan halkan shaqsiyan si weyn ugu taageersanahay walaalkay marna sxbkay Aqoonyahan Maxamed Xuseen Jaamac oo u taagan Booska Murashax Xildhibaanimo Golaha Wakiiladda Somaliland ee Baarlamaanka doorashadda soo socota ka qaybgeli doona,

Waxaan kale oo halkan aan halkan ku sheegayaa maadama oo ninkii hore u shaaciyey in uu Xildhibaan reerka cod ka doonaayo oo Xildhibaanimo u sharaxani uu xilkaasi ka tanaasulay oo iskaga tegay in maanta aanay jirin cid kaga haboon ama buuxin karta xilkaasi oo reerka ku meteli karta oo aan ahayn Aqoonyahan Maxamed Xusseen Jaamac, kaasi aan ka codsanaayo in Beeshu hiil iyo hooba la garab istaagto oo aan hubo in aanu noqon doonin qof go’aanka Beesha iyo hadba wixii u dan ah ka hor iman doona sida dhacday ragii ka horeeyey ee qaarkood codkii loogu codeeyey ay khasaariyeen in aanu maxamd noqon donin, waxaanan sido kalehalkan fariintyda kulahaldayaa Salaadiinta, Madax dhaqameedka, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Haweenka , dhalinyarta iyo haldoorka Beesha Baho Dhamal inay tixgeliyaan hanka uu la yimid Maxamed Xuseen Jaamac oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsi u qalma xilkaasi..

 

1 waa AQOONYAHAN.

2 waa nin xilka loo dooran lahaa sideeda uga soo bixi kara

3 waxan la doonaayo ma yahay nin karti u leh

4 waa nin soo maray meelo badan maamulka iyo maarayan soo maray

5 Aqoonyahan Maxamed Xuseen Jaamac imikana waa AGAASIMIYE GUUD EE DOWLADA HOOSE.

 

Maxamed Xusseen Jaamac Waa Haldoorta iyo Shamaca Mustaqbalka ee Dhalinyarta reer Somaliland ee aqoonyahanka, Kartidda iyo Hal-abuurka leh.

 

Qalinkii Maxamed Cali Rooble

 

email/ maxamedcase143@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso