Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Ayaa ka gaabsaday in uu warbixin Nagasiiyo xaaladaha dalka ka taagan iyo Aragtida xisbigaasi Xukuumada cusub Ee Madaxweynaha la Doortay somaliland Soo Magacaabay.

Hargeysa(Toogaherer)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Ayaa ka gaabsaday in uu warbixin Nagasiiyo xaaladaha dalka ka taagan iyo Aragtida xisbigaasi Xukuumada cusub Ee Madaxweynaha la Doortay somaliland Soo Magacaabay.

Wareysi dhinacyo badan taabanaaya oo aanu la yeelan lahayn ayaanu waxaanu wax ka weydiin lahayn Arragtida xisbiga Ucid xukuumada cusub,Arrimaha Bulshada baahiyaha ka taagan sidii dowlada cusub wax uga qaban lahayd dareenka xisbigaasi uu kaga jawaabi lahaa iyo warar isa soo taraaya oo xusaaya in madaxweynaha cusub oo xukuumada cusub ay ku jirayaan xubno ka mid ahaa xukuumadii Madaxweynihii hore axmed silaanyo ka tirsaaa .

maxaa caqabado ah oo xukuumadan cusub hortaagan ,marka la magacaabo xukuumada maanta laga filaayo madaxweynaha cusub in uu ku dhawaaqo golahiisa wasiirada ,arrimahaasi oo aani wax ka waydiin lahayn ayaa xoghayahaasi ka gaabsaday in aanu wareysi buuxa kala yeelanao ,lana balano si aanu wareysigaasi uga qaadno,waxaana dhawaan aanu wareysi idiinka soo diyaarinaynaa masuulyiinta xisbigaasi cadaalada oo ah xisbi siyaasadiisu gaamurtay,kana mid ah Asxaabta Qaranka somaliland ,iyadoo amaan iyo xismadba ay naga mudan yihiin masuuliyiinta xisbigaasi oo bahda shabakadani ka howlgashaa ay u hayso.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga cadaalada iyo Daryeelka Ucid Ayaa Gabi ahaanba ka gaabsaday wareysi uu siin lahaa shabakadani Radio toggaherer ,iyadoo mid ka mid ah howlwadeena shabakadani caalamiga ah Radio toggaherer uu isku dayey in telefoonkiisa gacanta aanu kala xidhiidhnay ku an celcelinay in ka badan saddex jeer balse uu naga qaban waayey,arrintasi oo aan looga baran masuuliyiinta xisbigaasi ucid in ay warbaafinta Madaxa Banaan ka dhago adeygaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso