Gudaha Ka Eeg :Taariikh-da Wasiirka Cusub Ee Biyaha .

Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa loo magacaabay Wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Saleebaan, hore ayaa uu Somaliland uga soo qabtay xilal kala duwan, haddiise aynu taariikhdiisa dib ugu noqono. 1965-kii ayaa uu ku dhashay baadiyaha dagmada Taleex.

Dugsiga hoose dhexe iyo Sarreba waxa uu kaga baxay Shabeelada hoose isaga oo ka mid ahaa Lodkii 1981-kii ka baxay dugsigii Beeraha ee Shabeeladda Hoose.

Ciidamadda ayaa uu markaas ka dib ku biiray, waxaana uu ka gaadhay darajada Gaashaanle ilaa ay ka dhacday dawladdii dhexe ee Somalia.

Somaliland, 1991 waxaa uu ka mid noqday raggii hor kacayay shirarkii nabadaynta Ceerigaabo ee danwadaagta barri, kuwaas oo yimid Hargaysa 1993-kii. kana mid noqday Weftigii siyaasadeed ee ka qaybgalay shirweynihii Boorama lagu soo dhisay. Waxaana waqtigaas uu kala shaqeeyay wadda-hadaladii cuqaasha beeshiisa oo uu ergay ka ahaa.

Markaas ka dib, waxaa loo magacaabay Xoghayaha fullinta guddiga diiwaan galinta ururada siyaasada ee ugu horeeyay. Ka dib waxaa uu noqday Wasiirka Xanaanada xoolaha Somaliland, waxaa kale oo uu noqday maareeyaha guud ee madbacada qaranka Somaliland. Waxaa kale oo uu noqday Xildhibaan Golaha Wakiillada ah oo uu illaa hadda ahaa. Haddana waxaa loo magaaabay Wasiirka horumarinta Biyaha

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso