Xaggee Somaliland ku socotaa Q1aad By Tahar

Xaggee Somaliland ku socotaa Q1aad By  Tahar

Qormooyinkan waxaan kusoo bandhigi doona sadaal aan ka bixin doono halkee Somaliland ku socotaa ama u socotaa, taas oo aan ku dhisneyn laablakac iyo dareen jecleysasho doonisteyda ah,balse si taas ka duwan waxa qoraalkan ku dhisayaa Tagtaadi hore iyo taaganta maanta anigu la fal galin  doona Asalka dadka Somaliland ”Human Nature-ka”iyo Domestic Reality-ga taala Somaliland.

Markii gumeytahii Ingiriis yimi Somaliland wuxuu kula dhaqmay siyaasad gumeysiyeedkisi ahayd qeybi oo xukun  si taasi u hirgashana wuxuu ku qasbanaa inuu ku saleyo cilmiladii Somaliland ka jirtay,taasina waxay dhalisay inuu Beelahii xilligaas awooda badnaa riixo, soona dhaweysto kuyaashi kale nasri u imina  u sheegto,sida Sooyaalka ku cad guud ahaan Somalida kuwa Oogada ku badan ayaa awoodii deeganka taalay ee xilligasi ahayd,si nidaamka gumeyste ee yimi u shaqeyo waa ku qasbanaa inuu awoodas hore riixo xoogag cusubna aasaaso,annigo guud maraya halkaas waxa markii u horeyay ka dhashay Is-bahaysiga Sanadadan badan Somaliland caanka ka noqday ee da‘yartu ugu yeedho Jeegaanta, waxaana xilligaas astaan u ahaa labada Midab ee Calanka kulmiye oo Dooni dhexda kaga sawirantahay,qeybaha danbe yaan kusii sharxiye,sooyaalka annigo si guud mara u dhaafaya aan ku xejiye markay toos usoo muuqatay Siyaasada Gumeysiga Ingiriis inay tahay cimiladooda ku gumeyso waxay ahayd markuu xoogeystay Halgankii SNC “SNL goor danbe isu bedeshay” ingiriisku jeerkaas wuxuu qaatay Sarifka siyaasadii hore ugu dajisneyd waxaanu aasaasay Jimciyadii Habar-Awasha ee uu ubixiyay Jumciyada Subeeriyada iyadoo waajibkedu ahaa xagal daacinta Halgankii SNC oo Yuusuf Xaaji Aadan Qabile Madax ka ahaa, inkastoo markii ay ku guulaysan waayeen u furay jumciyado kale oo badan haddan dhamaan fashil ayaa kusoo dhamaaden,1947 ila 1953 wuxuu Isticmaarku xoojiyay Is-bahaysigii uu isagu dhisay ee xilligan Jeegaanta loo yaqaan Ujeedka markan wuxuu ahaa ka mid noqoshada Dalkii la fidinayay ee Ethiopia  Inkasta oo dhinac Habar jeclada aanay Sooyaalka ku xusneyn Rag hawlahaas caan ku noqday gumeysigana si gacan furan ula shaqeyay haddana waxay u eegyahin kuwo lagu dhaaramayay Habar-awasha,dhinac  habar-Awal waxaa xilligaas caan ku noqday ushaqeysta Isticmaarka iyo fulinta hawlgaladaas kuwo gobonimo doon ku shaanbadeysna iyo kuwo toos u shaqeynayay waxaana ugu caan sanaaa Cabdiraxiin Caabi Faarax,Maxamed Ibrahim Cigaal iyo Suldan Cabdiraxman Suldan Cabillahi oo  safaro uu waji gobonimo doon kaga qeybgalay ka dhex shaqeynayay.
Aan usoo daadago nuxurka aan u xusay Taariikhahaas guud marka  ahi waa muujinta in qeybsanaanta Somaliland ay la factirsato sooyaal dheer oo shisheeye iyo sokeeyaba ka qeyb qaatay,ugu danbeyn si aynu u ogaano Somaliland xaggee u socotaa waa inaynu  Cabirna xaraarada qeybsanantaas lana akhrina ta darfayada ka dibna eeggna  Isbeddelka SIyaaasada dunida intaas si hufan hadii aynu iskula falgalino waxaynu helayna jawaab macquul ah oo ah halkay Somaliland u socoto

Hordhacaas ka dib Qeybaha Danbe ayaan qormadan ku gudo gali doona

W/Q Mohamed Cabiraxman Ibrahim Tahar}
Email. Muumin_de@hotmail.com

Click here to ReplyReply to all, or Forward

2.25 GB (14%) of 15 GB used

Manage

Terms – Privacy

Last account activity: 1 minute ago

Details

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso