Saaka waxaan u kalahay inaan ka qayb ahaado Xafladda dhaarinta madaxweynaha Cusub ee qarankayga Jamhuuriyadda Somaliland. W.Q. Kaptanka

Saaka waxaan u kalahay inaan ka qayb ahaado
Xafladda dhaarinta madaxweynaha Cusub ee qarankayga Jamhuuriyadda Somaliland. W.Q. Kaptanka
°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°
Maalinkale iyo madaxweyne Cusub madashu way bilantahay martidu way badantay, Rajadu way badantay muuqaalka dadka muxibbo ayaa ka muuqata waxa marqudha Soo Wada galay labadii madaxweyne ee xilka isku wareejinaayay Mr Siilaanyo iyo Biihi,
Somaliland waxay filaysa waxqabad cadaalad iyo horumar dalka wada gaadha oo aan gobolo qudha ku aadanayn, waxaa lafilayaa madaxweyne halkay Somaliland marayso kor uga sii qaada oo aan dib u celin madaxweyne dadka isku xidha isna jeclaysiiya dadka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mucarid iyo muxaafid madaxweyne qudha ayay leeyihiin  Si Cadaalada ugu adeega ayaa lafilayaa.
Hadaba kolba cida uu madaxweynuhu u xusho Inay Kala shaqeeyaan horumarinta dalka ayaa laga dhex arki karaa waxay qabankaraan iyo halka ay wax gaadhsiin karaan iyadoo aan loo eegayn cida qabiilka ay yihiin iyo gobalka ay kasoo jeedaan kaliya waxaa la dareemi karaa kartidooda iyo aqoontooda iyo waliba ta ugu muhiimsan oo ah khibrada ay u leeyihiin shaqooyinka aad u diratay (The right person for the right position).
Somaliland way Soo dhaaftay Waqtigii xukuumad xala waxay Soo gaadhay Waqtigii lasamayn lahaa xukuumad xul ah oo waxwabad oo dalka kasaarta sixir bararka iyo Kala shikiga musuqa caafimaad xumada biyo la,aanta Tayo xumada tacliinta iyo qaar kaloo badan.
Allaah Mahad Leh
Abdiqani Salaf Kaptanka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso