Qodobada Lagu Xasuusan Doono Waxqabadka Xukumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Mudadii Ay Xilika Wadanka Ama Talada Uu Hogaaminyay Kurisga Ku Fadhiyay Ilaa Manta Madaxweyne Axmed Siiraanyo Waxa Lagu Xasuusan Doonaa Uu Waxa Kaqabtay Arimo Badan Oo Xagga Horumarinta Wadanka Jamhuuriyada Somaliland Kuwaasoo Aad U Tiro Badan Waxaana Kamid Ah Qodobada Ugu Waawayn Qaar Kamid Ah Tobankan Oo Aan Marnaba Indhaha Laga Qarsan Karaynin Maragna Loo Wada Ahaa.

 

  1. Kor U Qaadida Miisaanayada  Sanadeedka Qaranka Iyo Kobcinta Dhaqaalaha Wadanka Oo Aad Kor Ugu Kacday Heersarena Maraysa Manta
  2. Soo Saarida Lacagta Kunka Shilinka Somaliland Iyo Waliba Shanta Kun Ee Shilinka Somaliland Oo Cusub Dalkuna U Baahnaa.
  3. Dhismayaasha Guud Ahaanba Guryaha Dawlada Iyo Goobaha Kale Ee Qaranka Looga Arimiyon Sida Wasaaradaha Iyo Hayadada Kale Dawlada Oo Dhamaan Loo Hirgaliyay Dhismayaal Casri Ah Oo Wata Qalabkoodi Iyana Lagaga Shaqaynlahaa Xasiisyadaa Oo Casri Ah.
  4. Dhismayaasha Madaarada Dalka Oo Laga Dhigay Qaar Aad U Waawayn Oo Casri Ah Sida Kuwa Caalamka Oo Kale Loogu Xidhay Qalabka Dhanka Amanka Iyo Nabad Gelyada Iyo Cameradaha Baadhitaanka Ee (Securuty Camera) Oo Iyana Lagula Soconaayan Dhamaanba Dhaq Dhaqaaqyada Dadka Garoonka Soo Galayaa Iyo Kuwa Ka Baxaaya Oo Dhan.
  5. Bixinta Darajooyinka Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Biladaha Geesiniimo Ay Mutraystaan Dhanka Shaqada Iyo Arimaha Kale Ee Cidan Niimo Iyo Waliba Sida Ay U Kala Sareeyaan Oo Loo Sameeyay Darajooyin Ay Iyo Jaran Jaro Ay U Kala Sareeyaan Sida Lagu Aqoonsado Ciidanka.
  6. Balaadhinta Amaba Baahinta Idaacida Qaranka Somaliland Leeyahay Ee Radio Hargeysa Oo La Gaadhsiiyay Halkii Ugu Saraysay Abid Oo Ah Dhamaanba Dalka Jamhuuriyada Somaliland Iyo Wadamada Jaarka Ah Oo Laga Dhagaysto Taasoo Arin Aad U Muhiima Iyo Guul U Noqotay Shacabka Somaliland.
  7. Wadooyinka Dalka Somaliland Ee Laysaga Kala Goosho Oo Iyana La  Bilaabay Dhismahooda Guud Ahaan Dalka Taasoo Ay Hormood Ka Tahay Xukuumada Madaxweyne Axmed Siiraanyo Oo Bulshada Tustay Inay Wax Qabsan Karaan Hadii Lays Kaashado Oo Gacmaha Lays Qabsado Horumarkana La Haigsado
  8. Qabashada Doorashooyinii Golaha Deegaanka Iyo Tartankii Ururrada Siyaada Iyo Axsaabta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Oo Wadanka Ka Qabsoontay Sanadkii 2012 Taasoo Ay Kusoo Baxeen  Saddex Xisbi Qaran Iyo Golaayaal Deegaan Oo Cusub Guud Ahaanba Dalka Oo Dhan Doorashadaasoo Ku  Qabsoontay Si Naabad Gelyo Ah.
  9. Idaacada Cusub Ee Qur’aanka Kariimka Ah Ee Radio Hargeysa Oo La Furay Taasoo Ah Mid Aad Iyo Aad U Qiima Badan Oo Logu Tala Galay In Laga Dhagaysto Quraanka Kariimka Ah Iyo Barashadiisaba Iyada Oo Dhamaana Laga Hirgaliyay FM’yada Gobolad Dalka Somaliland Oo Dhan Sida Togdheer, Awdal Saaxil, Sool, Maroodijeex, Sanaag, Intaba Waana  Nimco Iyo Naxariis Uu Ilahay Ina Siiyay Arintani Dadkuna Ay Ku Qaboobeen.

 

  1. Aqoonsiga Jamhuriyada Somaliland Ee Laga Ictitiraafay  Boqortooyada UK, Magaalooyin Kamid Ah Gudaheeda Sida Magaalooyinka Shifield, Iyo Cardiff,

Inkasto Hadana Mudadii Uu Xilka Hayay Sixirbarar Aad U Xuni Wadanka Ka Dhacay Misana Ay Xukumadisu Iyo Gudidii Loo Xilsaaray Ay Ku Guuldarraysatay Inay Wax Ka Qabto Iyo Waxoga Kala Qaybsanan Ama Kala Daadsanaan Bulshada  Reer Oo Qabyaaladdu Sii Xoogeysatay

 

Lama Soo Koobi Karo Xagga Waxqabadkiisa Halyey Qaran Oo Taariikhda Iyo Haykalka Dawladnimo Baal Dahaba Ka Galay Ayu Noqday Madaxweyne Siilaanyo Ilahay Cimriga Iyo Caafimadkaba Ha U Siyaadshee

Garyaqaan Muhiyadiin Mohamed

Hargeysa/Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso