Maxamuud Xaashi Cabdi wuxu Ahaa Masuul Qaran Oo Baarka Ka Jaray Muddo Todoba Sanadood iyo Shan Bilood Ah .

Maxamuud Wuxu Isagoo Meel Fog Ka Arkay Siyaasad Xumada    Shabeeladii Uu  Madaxweyne Siilanyo Ku Aaminay Idmanaan-Shaha Hawlaha Culus Ee Markaa Qaranka Hor Yaalay Oo Khaayimiin Qaran Noqday Isla Markaasina Awoodihii Dalka Ku Dul Dhisay Dano Shakhsiyadeed Oo Ay Leeyihiin Iyo Kooxaysi Wadaado Ah oo Mabda’a Iyo jiritaanka Culimadeen waaweyn ka dhan ah .Kadib Markii Kooxdii Shabeelada iyo dhalaalkii ay Wateenba Godadkii Xeelad Fog Ay  Kaga Saareen Xaashi Iyo Ciidankiisu Anigu Isla Wakhtigaasiba Waxaan Arkayay Inay Dalka Ka Badbaadiyeen Khataro Badan oo Uu geli lahaa Madaxweynihii Qarankana Maxamuud Xaashi Waatuu Tuurta Ku Qaatay   .

Inyar Hadii Aan Mawduuca Ka Boxo Maalin Dhaweyd Oo Madaxweynuhu Xadhiga Ka Jarayay #Siilaanyo National Library Ayaa Qolyihii Arintaasi Aadka Uga Cadhooday Oo Hal Qabsiga Magac Dhebka Amuurtaasi Ka Gil Gishay Kamid Ahaa Kooxo Ay Dibada Kariixayaan badhitaar Iyo Taageerona ay  Uyihiin Kuwii Aanu Ogayn Khiyaamadii Ay Qaranka Ugaysteen oo Ay Hormuud Uyihiin Kooxdii (HALISTU ) .

Maalintaasi Waxan Isweydiiyay Suaal Aan Weydiinayay Qoladii Madaxweynaha Tuurta Ku Sidatay Ee Maxamuud Xaashi Ka Badbaadiyay Iyagoo Jarka Kasii Tuuraya  Tolow Mar Hadii Aabihii Qaranka Sidan Maanta Magiciisii Looga Masuugayo Kuwii Aan Ogaa Halkay Ku Dambayn Doonaan  Halqabsiga Maqaalkaygii Maalintaasi Wuxu Ahaa
“”” Wiilkii Masaxay Milgaha Taariikhda Aabihii Iyo kan Diidan Maamuuska Magaca Madaxweyne Siilaanyo Ee Madxafka Kaydka Qarnku Maxay Iska Masaalaan ?.

Koley Intii Siyaasada Dalka La Socotay Mudadaa 7da Sano Iyo Shanta Bilood ahi Wuu Ifahmi Karayaa .

Shakhsiyan Anigu Waxan Ahaa Dadka Sida Xoogan Udhaliili Jiray Siyaasada   Wasiir Maxamuud Xaashi Laakiin Sababta Aan Ku Dhaliili Jiray May Ahayn Inaan Necebahay Ee Waxa Luuqadayda Gundhigeedu Ahaa Maxamuud Xaashi Sax Uu Toos Hawgu Dhaco Toobiyaha Toosan Ee Baarqab Kasta Oo Siyaasada Shaash Kule Ninkii Garta Geyayasiiya Hanashada Hogaanka Ugu Sareeya Qarankan .
Maxamuud Xaashi Cabdi Inkastoo Uu Garab Daar Leeyahay Haddana Toobiyaha Toisan Buu Qaaday .
Waxan Koley Cabdraxmaan Ahaan Noqon Doonaa Ninka Dhisi Doona Ee Af Iyo Aduunba La Garab Taagan Maxamuud Xaashi Cabdi .

Hadii Aan Shalay Dhaliili Jirey Isagoo  Xilka Kuwa Uu u hayo Aan Kamid Ahaa Hadana Maanta Isagoo Xilkii Ka Degey Iagama Suurawdo  Inaan Gun Gunuus Iyo Gunuunuc Badan Ku Noqdo Dhaliishiisa , Waxa Dulucdaydu Tahay Maxamuud Xaashi Cabdi Isagaan Dhisayaa Dhinac Kastooy Ahaataba .

Maahmaah runaa tidhi “” Ruuxwaliba dhiishuu Ruxday caaneheeduu raandhiiska sugayaa”””

Maxamuud Xaashi Cabdi Wuu  Ka Baxay  Imtixaankii Madaxweynaha Qaranku Ka Qaadayay Wuxuna Dheefsan Doona Guusha Muga Badan Ee Uu Ka Gaadhayna  Raandhiiskeeda Isagaa  Dhami Doona .

Halka Ay Waabay Sun Ah Dhameen Khaayimiintii Gaagaabnayd Ee Madaxweyne Siilaanyo Jarka Islahaa Ka Tuura (Halistii) .

Gun Baa Gunuus Badane Maxamuud Dhalinyarada Somaliland Way Dhisi Doontaa Waxana Guulihiisa Dambe Hormuud Ka Noqon Doona Kuwii Shalay Marku Xilka Hayay Ugu Dhaliisha Badnaa .
Halka Kuwii Ugu Dhawaa Ay Maleegayaan Dabino Culus Oo Ka Dhan Ah Mustaqbalkiisa  Siyaasadeed Cadawga KaDhicin Doona Waa Aniga Iyo Kuwaanu Isku Mabda’a Ahayn .

W/Q Abdirahman Ismail Saylici

Advertisement

Ku Xayeysiiso