SHARIKADAHA GANACSIGU WAA DAN GUUD, CIDINA GAAR UMA LEH

Muddo sannado ah ka hor anigoo ka shaqeeya sharikad ku taala wadanka, oonan rabin inaan magaceeda sheego, ayaa laba nin oo markaasi aanu saaxiib ahayn oo ka shaqeeya shirkada waxa ay isku qabteen ama ka doodeen laba sharikadood oo kamida kuwa wadanka ugu waawayn. Waa yaabe labada nin midna uma shaqeeyo sharikaadkan ay kala taagersanyiin, hantina kuma laha, ku darsoo labada sharikadood ee ay ka sheekaynayaan waa kuwo tartan nagula jira, oo markaasi raba inay suuqa ka saaraan shirkadan aanu ka shaqayno.

Waxay doodoodu ku bilaabmatay in nimanka mid kamidii dhaleeceeyo mid kamida shirkada, isagoo ku eedaynaya inay dadka cunaha qabtay, lacagtoodiina dhamaysay, wuxuu dadka meesha fadhiya u sheegayaa inay mudantahay in la xakameeyo shirkadaas lana taageero kuw markaasi tartan kula jira. Ninkii kale ee isaga u jawaabay ayaa yidhi oo tan kaleba miyaad arag, waxaanu ku eedeeyay shirkadii kale wax lamida waxa saaxiibkii shirkada hore ku eedeeyay. Doodan oo aan ahayn tii ugu horeysay ee nooceeda een markaa maqlo, se ah mid ka caan ah guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan Somaliland ayaa ah mararka qaad mid meel aan qurux badnayn gaadha.

Anigoo ka mid ahaa dhagaystayaashii maalintaas dhagta maalayay, horena ay ii soo martay arrintani, ayaa waxaan iswaydiiyay, sababta labdan nin ay ugu kala ololaynayaan labadan shirkadood. Waxa layaab leh, in sharikaadka ay u kala doodayaan rabaan inay meesha ka saraan shirkadan aanu u shaqayno, bariiskayagana cidhiidhi galiyaan (ugalama jeedo inaan rumaysanay inay cidhiidhi galinkaraan bariiskayag, waayo ILAAH baa na arzaaqa). Laakiin sida Soomaalidu intan danbe u badantahay, nimankan cilladoodu ka imanaysay, aragtida been abuurka ah ee reerkoodu aaminsanyahay. Midkoodna dhaliilaha uu sharikaadkaas u jeedinayay xaqiiq kumuu salaynayn, sidoo kale may ogayn ama way iska indhotirayeen faa’iidada iyo waxtarka sharikaadkani wadanka u leeyihiin.

Maqaalkan oo ah mid maantana ku haboon, ayaa in badan oo dadkeena ka mid ahi waxa ay colaad ama caadifad gaara u ahayaan sharikaadka wadanka ka jira. Anigoo la hadlaya dadka sharikaadka qaar ka soo horejeeda waxaan xasuusinayaa dhawr arimood, oon hubo inaanay ka fikirin amaba aanay dareensanayn inay tahay inay ogaadaan. Kow: Sharikaadka wadanka ka jiraa wadankena dhaqaale ayay soo galiyaan. Laba: shaqo ayay abuuraan, dadkaa ka shaqeeyaana reeray biiliyaan. Saddex: haddii sharikadi meesha ka baxdo ama kacdo, ogow taasi waxay keentaa in sharikaad kale kacaan. Afar: dadka sharikaadkaa ka shaqeeya haddii shaqo waayaan ogow inta reer ee dadbku ka bakhtiyayo. Shan: laga yaaba sharikada aad necebtay hadday kacdo in taad jeceshayna cid wax ka iibsato waydo. Lix: Sharikad kaliyii hadday suuqa qabsato, ogow ganacsaduhu naxariis ma leh, cidda ugu horeeyuu dhibayaa waa adiga (Monopoly). Toddoba: haddii sharikaadku burburaan taydoontaba ha noqotee, dawladi cashuur helimayso. Sided: Hadii cashuur la waayana wado ladhisimaayo, amni jirimaayo, dugsiyo, biyo, caafimaad iyo adeeg kale toona la helimaayo.

Sababahaas aan soo sheegay iyo kuwo kaleba aawadood, ha rabin hana doonin in sharikadi baaba’do jacayl reer ama nacay reer aad u qabto aawadood. Ogow haddii ay reeraha kale shaqo waayaan in ta aad haysato lagugu qabsandoono, oo aanad haysandoonin taada. Hana la jeclaan dadka kale, reeraha kale wax aanad la jeclayn naftaada iyo reerkiina. Ogolow in adiga iyo reerkiinaba laydinla tartamo, tartankana waxa ugu wanaagsan ka caafimaadka qaba. Ganacsiguna qaabiil ma leh, waxa uu yaqaanaa lacag. Ka reerkiinu haddaanad si fiican u shaqaysan wuu ku eryi waxaanu keenayaa qofkale shisheeyaba ha noqdoo. Waxaan ku soo gabagabaynayaa ILAAH baa riziqa qaybshay, waad helaysaa wixii laguu qoray, sidaas aawadeed hadiidin waxa ILAAH u qoray dadka kale. ILAAH-na waydiiso fadligiisa ha ka xumaan wax cid kale haysto.

ILAAH BAA MAHAD LEH.

Cabdikarim M Cali

Abdikarimmohali@outlook.com

Green Bay, WI

United States

Abdikarim Ali 
Educator
Green Bay Area Public Schools

Green Bay, WI

United States 

Advertisement

Ku Xayeysiiso