Madaxweyne Muse Biixi Abdi Waxaa looga fadhiyaa Cadaalad uqaybinta midhaha Dawladnimo- qalinkii A/rahman fidhinle UK

Muuse Biixi Abdi wuu ogyahay in ay doorteen laba beelood oo malaasan, suubis iyo dabo dhah dabo socday.
Muuse Biixi wuu ogyahay in se jifeysan loogu codeeyey jeegaanta ee aan loo codeyn xisbiga Kulmiye.
Muse Biixi wuu ogyahay in qolo waliba kursiga la doonaysay reer hebel iyo hebelo. Muuse wuu ogyahay in qaanuunkii dhisme siyaasadeedka dimuqraadiyada Somaliland ay bedeshay qabiilo isu ergeeyey. Muuse wuu ogyahay in codkii muwaadinka xorta ah qabyaalad iyo qabiil la wareegeen oo meeshay rabeen geeyeen. Muuse wuu ogyahay in xoriyadii muwaadinka iyo geedi socodkii dimuqraadiyadu ay meesha ka baxaday oo mugdi badani galay. sidaa daraadeed Muse waxaa looga fadhiyaa in uu fuliyo ama dhuuxa kala baxo qodobadan hoose:

1- In uu soo dhiso dawlad cadaalad ku dhisan oo lawada ilaashado si muwaadiniintu u yeeshaan xuquuq siman.
2- Waxaa looga fadhiyaa dawlad aan laga dheehan karin shuraako qabiil oo jeegaamaysan
3- Waxaa looga fadhiyaa xukuumad tayo leh oo qancisa aragtida guud ee mujtamaca reer Somaliland
4- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumad aan ka turjumeyn abaalcelin ,qaado aan qaatee iyo midigeys iyo odeys.
5- Waxaa looga fadhiyaa xalinta Saami-qeybsiga beelaha reer Somaliland ee Siyaasada ku kala irdhoobay.
6- Waxaa looga fadhiyaa xakameynta Musuq-maasuqa oo noqday Aafo qaran oo Xukuumada Siilaanyo bacrimisay.
7- Waxaa looga fadhiyaa la dagaalanka sicir bararka iyo kala xadeynta ganacsiga iyo baananka JSL
8- Waxaa looga fadhiyaa Cadaalad u qaybinta ilaha dhaqaalaha iyo midhaha dawladnimo
9- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumad soo celisa hantidii maguuraanka aheyd ee qaranka laga dhacay iyo yuhuuntii dawladnimo
10- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumad Xayndaabka Baananka qaranka ka xoreysa Xawaaladaha ilma jini boqor.
11- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumad ka turjunta balanqaadyadii lagu doortay ee buuga cagaaran ugu qornaa.
12- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumad mideysa shacabkii Somaliland ee doorashada ku kala fogaaday.
13- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumad ka daba tagta boqolaalkii heshiis ee la galay xisaab xidhkoodii
14- Waxaa looga fadhiyaa xukuumad dhaqaalaha kobcisa, shaqana abuurta oo ictiraaf dalka gaadhsiisa.
15-Waa in aanay noqon Xukuumad kala socota oo midba dhiishiisa dhaansado siidii xukuumadii Siilaanyo looga bartay.
16-Waa in aanay noqon xukuumad shaqsiyaad aan la dooran ay yeeshaan awood dheeraad ah oo ka baxsan tii qaranku siiyey
17-Waa in aanay noqon Xukuumad basekeedu yahay Jeegaan iyo Jifooyin gaar ah oo keliya ee noqotaa mid loo dhan yahay
18-Waa in ay noqotaa Xukuumad waxqabadkeeda la socdaan qorsheyaal cad cad iyo halbeegyo lagu cabiro laguna dabo galo
19-Waa in aanay noqon Xukuumad yeelata Cadaalad liidata iyo Cashuur leexata sida xukuumada Siilaanyo looga bartay
20-Xukuumada cusubi waa in ay lahaataa Higsi iyo Hilaad durugsan, Sahan iyo saadaal iyo odoros iyo aragti fog.

Guntii iyo Gebagebadii qormadan – Waxaa Xukuumada cusub laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somaliland. Xukuumadu waa in ay noqotaa Xukuumad xalinta xurgufta siyaasadeed ka fool erida kana furdaamisa suldaanada dhaqanka, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Jamhuuriyada Somaliland.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso