DAL LA HELAY SOMALILAND

Somaliland waa wadan yar oo aan wali la aqoonsan sidaynu wada ognahay, shaqa laan ay hadhaysay , wax soo saar aan lahayn,

dadkeeduna inta ugu badani ku tiirsantahay biil debeda looga soo diro , iyo caawimooyin aduunka uga kala yimaada, hadaba waxaa is waydiin leh maxay ku arkeen ajaanibkan sida ayaxa ugu soo qulqulaya ee cadaan iyo madaw iyo casaanba leh, 

 

Waxaan ka amba baxay qurbaha ,anigoo sii maray Ethiopia  waxaan mooday inaan khaldamay markaan arkay dayaaradii aan la socday oo ajaanibku nagaga badanyahay, cadaan iyo indha yar haw badnaadeene, waxaan kaloo la yaabay markaan madaarka caalamiga ah ee Hargeysa so gaadhay ee aan arkay iyadoon waxba la waydiinayn ajaanibkii ee loogu dhufanayo uun gelitaan.

 

Waxaan is waydiiyay tolow maxay ka doonayaan waxan oo ajaanibi wadankan aanay waxba dhex ool.

Mudadii aan joogay wadanka waxay indhahygu qabanayeen daad aad u tira badan oo ajanabi ah ha u badnadeen carab iyo indha yare

waxan wadanka laga helay ee aynaan ogayni tolow muxuu yahay.

 

Ma wax aan reer somaliland ogayn oo wadanka laga gurtaa jira , ma lacag aynaan arkayn oo laga helaa jirta, ma qalab kale oo macduun ah baa loo soo doontaa, wuxuun baan is idhi malaa wa dal la helay oo lasoo degayo , reer somaliland na ay ka sii tahriibayaan

 

Wabilaahi Tawfiiq

Mohamud Jama

U K 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso