Qaar ka mid ah Ganacsatada Xoolaha Nool Ayaa Nooga Warbxiyey Hoos U Dhac ku Yimid Dhoofka Xoolaha Ee Dalka Dibadiisa.

Hargeysa(Toggaherer)-Qaar ka mid ah Ganacsatada Xoolaha Nool Ayaa Nooga Warbxiyey Hoos U Dhac ku Yimid Dhoofka Xoolaha Ee Dalka Dibadiisa.

Xubno ka id ah dadweynaha ku dhexganacsada Xoolaha nool ,gaar ahaana magalada hargeysa ayaa nooga warbixiye dhaqdhaqaaqa ganacsiyeed ee xoolaha nool ,gaar ahaan adhiga oo iibkiisu hadda fiican yahay,inkasoo ay dadweynahaasi si wado jir ah u sheegeen in hadda aanay jirin xoolo dalka dibadiisa inaago dhoofa,taasina waxay keentay in uu hoos u dhac ku yimaada iibsiga xoolaha nool.

Geesta kalena dadweynahaasi ka ganacsada xoolaha nool waxay meesha ka saareen in aanay hadda jirin ganacsato maalgashi ku samaysa xoolaheena nool,isla markaasin waxay macjarka xoolaha Aljaabiri ku dhaliileen in ay dhiirigalintiisu yartahay hadda ,halka ay sidoo kalena dadweynahaasi ay  xuseen in maamahana iibsigoodu fiican yahay xoolaha la gawraco ee daabaxa loo yaqaano,laguna istilmaamalo dalka gudihiisa oo kaliya.

Dhinaca kalena dadweynahaasi waxay dareen farxadeed ka muujiyeen xukuumada uu soo dhisi doono Maxaweynaha la doortay ee Somaliland in ay noqon doonto xukuumad tiro yar oo tayo fiican,Bulsho weynteenana dhinaca adeegyada kala duwan ee Bulshada waxa kala qaban doonta ,baahiyahoodana dabooli doonta.

iyagoo Dadweynahaasi hambalyo balaadhan udiray madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi cabdi Iyo Ku xigeenkiisa C/raxmaan saylici,waxaanay ka filayaan dadkaasi xoolaha nool ka ganacsada in saylada xoolaha dhisme casri ah loogu samayn doono iyo hadh ay xooluhu ku nastaanba.

Halkani ka Dhagayso dareenka Ganacsatadaasi ka ganacsatada xoolaheena nool,gaar ahaan dhiga:

220119_007

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso