Guushii Doorashada JSL Yey Raacaday?

Guushii Doorashada JSL Yey Raacaday?

Waa guul-wadareed ay ummaddu wada leedahay oo cidi gaar u sheegan karrin. Maaha mid kooxi leedahay , maaha mid siyaasi, shaksi iyo xusbi toona

13 November 2017 shacabka reer Somaliland waxa ay u dareereen cod bixin ay ku dooranayaan madaxweynaha dalka xukumi doona shanta sano ee soo socda, haddii Alla yidhaa. Maallintaa codbixinta horteed waxa ay shacabka reer Somaliland soo gabageeyeen damaashaadkii ololaha oo si nabadgalyo ah ugusoo dhamaaday. Eebe mahadii, wax dhibaato ah oo buurran oo dhacay lamasoo sheegin. Xataa Maamulka Majeerteenia oo soo hanjabayey, uu ku dhici kari waayey in uu soo faragaliyo doorashada ka dib kolkii ciidamada qalabka sida ee JSL ay digniin u direen in hadii hantaaq isku dayaan Garowe iyo Bosaso ka qixi doonaan,
Hadaba Allaha ina waafajiyey ka sakow ayaa mudnaanta iyo mahadnaqa hawshaa iska leh oo loo hibeeyaa? Guushii doorashada iyo ololaheediiba ayey raacday? Ayaase guul dareystay ama khasaaray?
Haddii aan ku horeeyo cidda guuldareysatay, waxa khasaaray oo wadhi ka raacaday cadowgii reer Somaliland oo aad u saadaaliyey in doorashadanu tahay burburkii iyo belaayadii ay la jeclaayeen. Waxa ay saadaaliyeen in reer reer la isku qallan doono oo lagu kala qixi doono JSL. Laakiin habaarkaasu kici waa oo, Alla mahadi, siday doonayeen iyo si u dhowna ma dhicin.

Guusha doorashadii wadanka ka dhacday mid ciddi gaar u sheegan karto maaha. Guusha waa mid ay wada leeyihiin dhamaan reer Somaliland oo dhami. Laakiin waxan isku dayi doonaa fikirkeyga sida loogu kala mudnaa hawshaa:
Mudnaanta koowaad waxa iska leh shacabweynaha reer Somaliland ee sida quruxda badan u muujiyey waayeelnimo iyo biseyl siyaasadeed oo looga barran wadamo badan oo caalamka sedexaad ah, gaar ahaan Africa. Sida ay ololaha ugusoo baxayeen ee calamada xusbiyada ay taageersanyihiin u lulayeen, sida la isku ixtiraamyey ee aan la iskugu dhicin iyo sidii ay cododkoooda u dhiibteen ee nidaamku ku dheehnaa, intuba waxay ay ku mutaysteen hambalyo, iyo billad sharafta KOOWWAD
Ciidamada Amniga Qaranka ee sida xiIkasnimada leh ugasoo baxay waajibkoodii, ee nabadgalyada wadanka oo dhan sugay intii xamaasad ololuhu shacabka saaqay iyo intii ka dambeysayba, ayaa iyaguna kaalinta labaad galaya, ayey ila tahay. Digniintii ay siiyeen Majeerteenia ayaa khasab ka dhigtay in maamulkaasu candhuuftiisa dub u liqo oo uu iska ilaawo in uu ku fikiro waxyeeleynta doorashooyinka.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka(NEC) oo muujiyey hawlkarnimo, biseyl siyaasdeed iyo hufnaan ayaa iyaguna ka mid noqday tiirarka ugu dhumucda weyn ee suurta galiyey in doorashadu sidaa quruxda badan u dhacdo. Komishanku wuxu ku guuleystay in doorashadu marto qorshihii ay u dhigeen oo aanay ka weecan iyagoon ka baydhin sida uu dastuurku dhigayo. Waxa ay u dhabar adeygeen culeys badan, waxa ay u dulqaateen meel-ka-dhacyo iyo aflagaadooyin badan oo dhinacyo badan lagagasoo ganayey.
Xusbiyada qarranka iyo madaxdooda oo iyagu ahaa kuwa tartamaya ayaa iyaguna xilkoodii si wanaagsanbay u guteen. Waxa ay ixtiraameen oo ku qanceen go’aanada komishanka oo ahaa siidhi walaha cayaarta sedexdooda ka dhaxeysay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo iyo xukuumadiisa oo iyaguna ku dadaalay in doorashadaasu ku qabsoonto waqtigeedii oo marar hore dub u dhac ku yimid. Waxa kale oo waqtigeedii ka hor usoo gudbiyeen kharashkii looga baahnaa dhankooda ee doorashada lagu hirgallin lahaa. Mudane Silanyo taariikhdaa xusi doonta sida uu uga baydhay caadada xun ee kursi jecelka ah, ee cambaarta ku noqotay madax badan oo caalamka sedexaad ah gaar ahaan Africa.
Goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee waqtigooda usoo huray in markhaati ka ahaadaan sida ay doorashadu u dhacdo iyo in xor iyo xalaal tahay iyo inkale.

Allaa Mahad Leh

Omer Dheeg

Advertisement

Ku Xayeysiiso