Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warbixin ka siiyey Guudida Nabadgalyada Golaha Guurtida Xaalada Amaanka wadanka.

Hargeysa(Toggaherer)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warbixin ka siiyey Guudida Nabadgalyada Golaha Guurtida S/land  Xaalada Amaanka wadanka.

Natiijada sawirka taliyaha ciidanka booliska somaliland

Taliyaha Ciidanka Amaanka Ee Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal iimaan Ayaa Mudanayaasha Guddida nabadgalyada Golaha Guurtida Somaliland warbixin faahfaahsan ka siiyey xaalada amaanka Ee wadanka ,waxaanu Taliyuhu uu warbixintiisaasu uu daboolka kaga qaaday in Guud ahaan nabadgalyada dalka somaliland fiican tahay ,halka uu sidoo kalena tlaiyaha ciidanka Booliska qaranka Somaliland uu sharaxaad uu ka bixiyey hawlgalo ay sameeyeey Ciidanka Booliska Somaliland kuna soo qabqabteen dhalinyaro amaanka caasimada somaliland wax u dhimaya ,dhalinyaradaaso oo xiliyada habeenkii kooxo kooxo isku abaabula isla markaasina Bulsho weynteena dhibaatooyin kala duwan ugeysta .

Geesta kalena taliyaha ciidanka booliska somaliland waxa uu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey dhalinyaro ay soo qabqabteen iyagoo fal dambiyeed gacanta kula jira ,waxaanu Taliyaha booliska somaliland uu digniin culus udiray dhalinyaradaasi oo uu farta ugu fiiqay in
ciidanka Booliska somaliland aanay ka hadhaynin qofkastoo dambiile ah ,oo qof muwaadin ah dambi cad ugeystay,waxaanu taliyuhu waalidiinta dhalinyaradaasi dhashay uu ka dalbaday in ay ka war hayaan carruurtoodu kolba halka ay ku sugan tahay .

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo warbixin Siiyey Guudida nabadgalyada Guurtida Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso