Tababar ku saabsan Booliseenta Bulshada ayaa lagu qabtay Muqdisho

 

 

EUCAP Somalia waxay tababar ku saabsan Booliseenta Bulshada dhanka baddaha ku qabatay Muqdisho 6.da December, kaasi oo aay kasoo qayb galeen 10 sargaal ( oo aay ku jiraan labo dumar ah) oo ka wada tirsan cutubta Booliska Baddaha ee Xoogga Booliska Soomaaliyeed.

 

Tababarkani waa kii afaraad ee kanoo kale ah oo uu Hawlka qaban qaabiyo.

 

Kasoo qayb galayasha waxay ka doodeen sida Boolisenyta Bulshada aay u tabar cilmi wax haga iyo istaratijayad muhiim ah ee lagu dhiiragelinayo dadweynaha inay saaxiibo la noqdaan booliska si looga hortago dambiyada.

 

Haddaba, qiimaha aay leedahay in bulshada iyo booliska laysku soo dhaweeyo iyadoo ula jeedku yahay xaafado ka madax banana dambi iyo isku dhexyaac iyadoo la adeegsanayo wadashaqayn ayaa lagu cadeeyay tababarka.

 

Sidoo kale, Tababarka waxa qayb ka ahaa cashar ku saabsan xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga.

 

Inta la bixinayay casharka kor ku xusan, waxa la sharaxay in xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga ugu horeen yahay xad gudub ka dhan ah xuququl insaanka. Intaas waxa dheer, waxa laga dooday in xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga uu la xiriiro amniga dhulka iyo badahaba, sido kale waxa la tilmaamay in baabinta Xad gudubka ka dhanka ah Jinsiga lagama marman u tahay helida nabad waarta.

 

Saraakiisha Soomaaliyeed ee ka qayb galay tababarka ayaa isku raacay in khilaafadyada lagu xaliyaa kasoo qayb gal firfircoon ee muwaadaniinta – taasi oo ah ula jeedka ugu dambeeya ee booliseenta bulshada- aay si wayn ugu faaideyneyso bulshada.

 

Faahfaahin ku saabsan EUCAP Somalia

 

EUCAP Somalia waa Hawlgal rayid ah ee Midowga Yurub, wuxuna hoos yimadaa Xafiiska Siyaasada Difaaca iyo Amniga Guud, wuxuna Hawlgalku ka caawiyaa Soomaaliya xoojinta awoodaheeda si loo xaqiijiyo ammaanka badaha.

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso