Sheekh Cali Jumca: Niqaabku kama Mid ah shareecada!!!!

Muftigii hore ee Masar xubin ka mid ah Golaha Sare ee Culimada ee dalkaasi Cali Jumca ayaa sheegay Qarinta Wajiga dumarku aanay qayb ka ahayn shareecada isaga oo intaa ku daray in mas’uuliyiinta Masar aysan la dagaallamayn niqab ama xijaab.

Intii lagu guda jiray wareysi uu la yeeshay wariyaha Xasan Al-Shadali barnaamijkiisa “Walaahu Aclam” lagana baahiyo telefishanka Masaarida ee “CBC” Talaadadii ayuu Sheekhu ku Sheegay inuusan ahayn wejiga iyo Labada Gacmood ee haweenku Cawro.

Muftiga hore ayaa carrabka ku adkeeyay in haweenku aanay wajigooda Qarin Xiliga Xajka.

Waxa uu intaa ku daray: “Qarinta wajigu waa uu inagu dhex faafay uun, laakiin kuma jiro Shareecada se waa caado uun.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso