Daawo: Salaadiinta ,Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Beelaha GARXAJIS Oo Kulan Taageero Iyo Hambalyo Ah La Qaatay Madaxwaynaha La Doortay

Hargeysa(ToggaHerer)-Hormoodka, siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo labeenta beelweynta Garxajis, ayaa kulan ballaadhan oo taageero iyo hambalyeyn isugu jira la qaatay madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxgaradka beesha oo ay xubno ka yihiin salaadiinta ugu magaca weyn beeshan oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Aadan Suldaan Faarax, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland, ayaa madaxweynaha gurigiisa ku booqday maanta, waxana ay si kal iyo laab ah u bogaadiyeen guushii isaga iyo ku-xigeenkiisu kasoo hooyeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday, iyaga oo Eebbena uga baryey inuu caddaaladda ku sugo, isla markaana si cad u sheegay inay si xilkasnimo leh ula shaqayn doonaan. 
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa madax-dhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada iyo hormoodka beesha Garxajis si ballaadhan usoo dhaweeyey, waxana kulankiisa ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno sarsare oo hoggaanka xisbiga KULMIYE katirsan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo ay labada dhinac isugu muujiyeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan, isla markaana ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii gebi ahaanba bulshwo-weynta reer Somaliland midnimadooda iyo wada-jirkooda looga wada shaqayn lahaa.
Xubno kamid ah salaadiinta ugu magaca weyn geyiga Somaliland oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Aadan Suldaan Faarax iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweyne Muuse Biixi u sheegay inay beel ahaan ka midaysan yihiin la shaqayntiisa iyo ku gacan-siinta arrimaha horyaalla, isla markaana ay ka go’an tahay in Somaliland oo gacmaha is wada haysataa garab istaagto madaxweynaha ku-xigeenkiisa la doortay, waxana ay madaxweynaha cusub ka codsadeen inuu si cilmiyeysan wax uga qabto wixii tabasho ah ee ay beel ahaan u tirsanayaan.
Siyaasiyiin waaweyn oo beeshan kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna tilmaamay inay si dhaw u hambalyeynayaan madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay, isla markaana ay diyaar la yihiin wixii wada-shaqayn ah ee ay uga baahdaan.
Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna soo dhaweeyey hambalyada ay beelweynta Garxajis u muujiyeen iyo taageerada muuqata ee ay la garab taagan yihiin, waxana uu sheegay inuu talo, nasteexo iyo hogo-tusaalaynba marti uga yahay, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshihiisa guud ee uu madaxweyne ahaan ka leeyahay dhammaanba beelaha reer Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay fulinta qorshe caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu ka hirgeliyo dhammaanba deegaannada ay beelaha reer Somaliland degaan, isla markaana uu dhegaysan doono wixii talo ah ee usoo jeediyaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso