Saddex Arrimood aan Saddex Ka Idhaahdo

  1. Doorashadii Madaxtooyada ee Dalka Ka Dhacdey November 13, 2017
  2. Mudadii ka danbaysay ku dhawaaqidii Natiijada Doorashada
  3. Maxaa looga Fadhiya Madaxweynaha la doortay

 

  1. Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacdey 13 November 2017 Waxay aheyd doorasho shacabka soomaliland muddo ay sugayeen oo dhawr jeer dib udhac ku yimid waqtigii loo asteeyay, sidoo kale indhaha caalamkuna si toos ah ula socdeen si gaar ahna geeska Africa si dhaw loogala socdey. Waxaana ku xidhnaa masiirka qaranimo iyo jihadda siyaasadeed ee ay Somaliland u kaceyso  doorashadda ka dib.

Marka la eego doorashooyinkii hore ee madaxweynenimo ee dalka soo marey, doorashadani waxay kaga duwaneyd iyadoo madaxweynaha hada uu xilka ka dagayey murashaxna aanu aheyn, saddexda murashax ee u tartamayeyna gudoomiyaal iyo murashaxiin xisbigooda ka ahaayeen, Taasi waxay keentey in murashax kasta tartankiisa dhinaciisa ka wato. Xilligii ololaha lagu jireyna ay xamaasadu kuluulaato marmarka qaarna eedaymaha la isku jeedinayey circa ku sii shareerayeen xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagneyd. Balse waxaa ilaahey mahadii ah in maalintii doorashadda si nabad ah guud ahaan Somaliland uga dhacdey, sidoo kale ay aheyd doorasho xor iyo xalaal ah, sida ay ka markhaati fureen goobjoogayaashii caalamiga ahaa iyo kuwii maxaliga ahaaba.

  1. Doorashadda ka dib, Waxaa si feejigan lagu sugayey natiijadda hordhaca ah ee koomishankii doorashooyinka qaranku ku dhawaaqayeen, inkastoo xisbiga Mucaaridka ee WADDANI dhawr jeer cabasho ka muujiyey arrimo taagnaa, hadana waxay noqdeen qaar la xaliyey lagana saaray madmadowgii taagnaa, waxaana komishanka doorashooyinku ku dhawaaqay natiijadda 21 November 2017 iyadoo si weyn dhinac walba loogu soo hambelyeeyey madaxweynaha cusub ee la doortey Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiyadda Mucaaridka ayaa iyaguna ku dhiiradey in ay aqbalaan natiijadda hordhaca ah, taas oo meesha ka saartey filashadda dhinaca xun in ay wax u dhici karaan, Madaxda iyo shacabka soomalilandna waxay muujiyeen biseylka dal jaceylnimo ee dadkeena ku beeran. Waxaan hambelyo Iyo bogaadin mudan Koomishanka doorashooyinka qaranka oo ku guuleystey in ay Somaliland ka hirgaliyaan doorasho xor iyo xalaal ah xilli duruufo badani sanadkas Somaliland soo mareen sida abaaro baahsan iyo sicir barar.

  1. Ugu danbayn Waxaan inyar is dul taagi doonaa wakhtiga madaxweynaha la doortey waxaa uu shacabka Somaliland uga fadhiyo, marka la eego 27 sanno ee Somaliland cagaheeda ku taagneyd iyo maanta higsigey ku taameyso. Waxaanan ku soo koobayaa aragtideyda Saddex Arrimood oo Sal Balaadhan
  2. Dowlad Kooban oo Tayo Leh: Guud ahaan markaad qiimeyso xaaladda dalka iyo Doonista shacabka Somaliland intooda badan, waxaa uu wadanku baahi weyn u qabaa dowlad kooban oo tayo leh, si waxqabadka iyo baahiyaha shacabku rabo u buuxiso dowladasi, waxaan aad ugu qushuucay in shacabku manta xiiseyneynin xilal badan oo beeshooda ama gobolkooda la siiyo balse ay daneynayaan waxqabad dowladnimo oo ay ku raystaan, Waxaan Markhaati ka ahey oo marag ma doon ah in dowladda hada xilka heysa ay wax badan qabatey, dalkana soo gaadhsiiyey meel lagu faani karo horena looga socon karo, balse wali ay jiraan baahiyo waliba aasasi ah oo shacabku tabayo, Taas waxaa ka dhabeyn kara fulina kara Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxaana Guud Ahaan la Rajeynayaa In Madaxweyne Muuse Horena u Balanqaadey Dowlad Kooban in uu Dhisi doono Hadii Taladda Dalka uu Ku Guuleysto in uu Rumeyn Doono Rajadda Shacabka.

 

  1. Cadaalad iyo Sinaan: Wali waxaa shacabka Somaliland dareemayaan xajiintii iyo xanaftii ka soo gaadhay xilligii ololaha doorashadda lagu jirey, iyadoo wadanka taasi oo galisay waxoogaa kala qeybsanaan ah una baahan in aan la dhayalsan balse sideeda loo daweeyo, taasna waxaa kaliya oo meesha ka saari karaa waa in Madaxweynaha la doortey Laga helo Cadaalad iyo Sinaan. Qof kasta oo reer Somaliland ahina dareemo in aanay Cidi ka xigin qaranimadda iyo dowladnimadda toona, Cadaaladana waxaa horseeda oo ka masuul ah madaxda loo doortey hogaaminta dalka iyo gacanyarayaasha ay cugtaan. Waxaanan Rajeynayaa in dowladda cusubi noqon doonto mid cadaalad usamaysa shacabka Somaliland dhaxalsiisa sinaan iyo horumar.

 

  1. Waxqabad Iyo Horumar: Waxaynu ognahay dalkan Somaliland halka laga soo qaadey iyo manta halka uu marayo, marxaladihii kala duwanaa ee qarankani soo maray maalinba mid baa laga gudbayey, balse wali waxaa Somaliland hor taagan saddex arrimood oo kala ah Ictiraaf la’aan, Isku filnaashiyo la’aan xaga wax soo saarka iyo cuntadda ah iyo kaabayaal dhaqaalaha oo si buuran u dhisneyn, marka ta ictiraaf laga hadlayo weynu ka dharagsan nahay halka ay manta mareyso, waxaase higsiga ictiraaf ka horeeya in qaranku isku filnasho xaga wax soo saarka ah gaadho, oo waliba muddo kooban quutal daruuriga shacabku u baahan yahay suurogal ay noqoto in dalkeena hodanka ah kala soo baxno, markaas baan la tartami karnaa dunida horumartay, higsiga iyo himiladda qarankuna noqon kartaa mid la xaqiijin karo, sidoo kale dhisida kaabayaasha dhaqan dhaqaale ee dalka ayaa u baahan In awooda la saaro sidii caga loogu joojin lahaa , kuwaas oo sahlaya horumarka iyo waxqabadka shacabkani ku taamayo 27 sanno ee Somaliland jirtay.

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Fouad Abdisalam

Advertisement

Ku Xayeysiiso