Masuulyiinta Xidhiidhka ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Ayaa war saxaafadeed Ay Soo Saareen Waxay ku Beeniyeen Warar Uu Wargeyska Foore ka Baahiyey.

Hargeysa(Toggaherer)-Masuulyiinta Xidhiidhka ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Ayaa war saxaafadeed Ay Soo Saareen Waxay ku Beeniyeen Warar Uu Wargeyska Foore ka Baahiyey.

Shabakadan Toggaherer oo heshay nuqulka warsaxaafadeedkaasi ayaa waxa uu War saxaafadeedkaas oo u dhignaa sidan:

Haddii aanu nahay Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland waxaanu Beeninaynaa war ku soo baxay wargeyska foore ,kaasi oo u dhignaa sidan:Mushaharaadkii xidhiidhada kala duwan oo ay isku haystaan wasaarada ciyaaha ,Baanka Dhexe Somaliland Iyo Xidhiidhadu.
Haddaba warkaasi wargeyska fore ku soo baxay war sal iyo raad toona ma aha ,lacagtaasina waxay ahayd mid sifo sharci ah bangiga ku Timid ,sifo sharci ah aanu kaga doonayno .
sidaasi darteedna waxaanu ka xunahay haddii aanu nahay Masuulyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud Somaliland warkaasi uu wargeyska foore naga been abuurtay ,waxaana kula dardaarmaynaa masuulyiinta wargeyskaasi foore ee ka soo baxa caasimada somaliland in ay iska hubiyaan wararka ay bulshadeena u fidinayaan amase u baahinayaanba.
Waxaana warsaxaafadeedkaasi ku saxeexnaa -Xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Ee Somaliland Md:Cismaan cali xuseen.

Halkani Ka Dhagayso warbixintaasi Oo faahfaahsan:

Dhagayso Masuulyiinta Xidhiidhka ciyaaraha fudud Somaliland oo Ka cabanaya wargeyska Foore.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso