Uf Anaa Leh Qabyaalad .. Q.4aad

Uf Anaa Leh Qabyaalad..Q.4aad
Rabi haydin ku asturo,hana idiin fududeeyo xilka ummadu idiin dhiibtay Md.Madaxweyne Muse iyo Md.M/kuxigeen Saylaci.
Dadku waa isku diin
Waana isku diir
Dun weeye isku duuban
Dalkana loo siman
Ka durug durbaanada
Sharcigu waa dabare
Dubuqaaga geliyoo
Ku daadahi shareecada
Qormadan maanta waxan dul-xaadin doonaa:
Midnimada Awooda Sare:
Md.Madaxweyne Muse iyo Md.kuxigeen Saylaci sidaynu ku ololay nay sharcigu waa inuu sareeyaa,loona sinaadaa.Midnimadu waa ta aynu ku soo caano maalay ee keentay nabad maanta aynu ku naaloonayno.Dawladahii dalkeena soo marayna mid waliba heer ayay soo gaadhsiisay iyo arrimo lagu xasuusan doono maadaama dalku soo maray burbur,dhibaato dhaqaale xumo iyo aafooyin abaaro.Maanta dawlada cusub ee aad majaraha u qaban doon taan shacabku waxa idiinka fadhiyaa:
1.Go’aan geesinimo oo aad ku xalisaan isu dheeli tirka 4ta kursi ee
Dalka ugu sareeya:
Madaxweynaha
Gudoomiyaha Golaha Guurtida
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Gudoomiyaha Maxkamada Sare
Marka aynu kaga dhabay nayno himiladii siyaasada kulmiye iyo xoojinta midnimada dalka waxa laydinka fadhiyaa inaad 4taa kursi noqdaan muwaadiniyiin ka soo jeeda degaano kala duwan.Talaabadani waxay curinaysaa kalsoonida iyo midnimada shacabka JSL.
Arrinka 2aad ee aan qormada soo socota ku dulxaadin doonaa waa:
La Soco……
Uf Anaa Leh Qabyaalad
Xuseen Xasan Badmaax
badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso