Ka dib dilka Saalax Maleeshiyaadka Xuusiga oo Waajahaya Dagaalo Qabaa`ilka Xaashid!!!!

Dilka madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ee maleeshiyaadka Houth ay u geysteen ayaa ku furay Faran kale oo dagaal oo ay la galeen Qabaa`ilka Xaashid oo uu ka soo jeedo madaxweynihii hore.

Qabiilka Xaashid ayaa ka mid ah Qabaa`ilka ugu badan Xaga Dadka Wadanka Yemen door weyna kulahaa Siyaasada Yemen tan iyo dhicitaankii Boqortooyadii Yemen sanadi 1962.

Qabaa’ilka Xashid ayaa ku kala firirsan degaanno dhowr ah oo waqooyiga Yaman, gaar ahaan gobollada Amran, Sana’a iyo Xaja.

Qabiilka Xashid wuxuu ka kooban yahay toddoba Reer oo ka mid ah qoyska Al-Ahmar, qabiilka Ather, qabiilka Bani Sareem, Kharf, iyo Sinhan oo madaxweynihii hore ku abtirsado iyo qabiilooyinka Hamaddaniyo Xujur.

Qabiila Xashid ayaa lagu Qiyaasa tiro u dhaxaysa Laba milyan ilaa Saddex Milyan tiradii ragga hubaysnaa iyana lagu sheegaa 300,000 oo dagaalyahan inay leeyihiin oo badankoodu ka tirsan Ciidanka.

Qabaa’ilka Xaashid ayaa ah Qab`iilka labaad xaga dadka qabaa’ilka Yemen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso