Ciyaaryahan Gofindha oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu Baaqay Inuu Wasaaradda Ciyaaraha Baabi’iyo taa Beddelkeedana Dhiso Hay`adda Olombikada Qaranka iyo Adkaynta Xidhiidhada kala Duwan ee Ciyaaraha

Ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Xasan (Gofindha), oo ka tirsan  xulka kubad cagta Gobolka Maroodi-jeex iyo kooxda kubada cagta heerka kowaad ee Dawladda Hoose Hargeysa, kana mid ah Ciyaaryahanada ugu wanaagsan uguna magaca weyn Somaliland, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in Wasaaradda Ciyaaraha uu baabiiyo, una hoos keeno Wasaaradda Waxbarashada, si Xidhiidhada Ciyaaruhu u noqdaan kuwa madax banaan, oo Tartamo iyo Horyaalo lagula xisaabtamo qabta,waxaanu ku taliyey in loo sameeyo Miisaaniyad ay Tartamo ku qabtaan.

Ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Xasan (Gofindha), oo u waramay Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in xul qaran loo sameeyo Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan; “Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu Wasaaradda Ciyaaraha baabiiyo,oo uu hoos geeyo Wasaarad kale, si Xidhiidhada Ciyaaruhu u noqdaan Xidhiidho madax banaan, oo Xidhiidhada gaar loo dhiso,si Xidhiidhadeenu ula mid noqdaan kuwa adduunka, sababtoo ah Xidhiidhada Adduunku wey madax banaan yihiin, weyna ka madax banaan yihiin siyaasadda, mar haddii Madaxweynuhu Muddane Muuse Biixi Cabdi uu Wasiiraddaha dalka soo koobayo,  Wasaaradda Ciyaaraha waxa muhiim ah in la hoos geeyo Wasaaradda Waxbarashada, oo Waax ka mid ah ha laga dhigo, oo ha ku koobnaato Tartamada Dugsiyada iyo Jaamacaddaha, oo booskeediina ha lagu bedelo in Xidhiidhadu noqdaan kuwo madax banaan, oo Miisaaniyad gaar ah oo ay Tartamo iyo Horyaalo ay ku qabtaan ha loo sameeyo, oo Xidhiidhada qolo walba gaarkeeda ha loola xisaabtamo, Guddidii Olomikada ee ay Xidhiidhadu hoos imanayeena ha la sameeyo, markaas Madaxweynaha Muddane Muuse Biixi Cabdi inuu sidaas sameeyo ayaanu ka codsanayaa.”

Ciyaaryahan Gofindha mar uu ka hadlaayey muhiimada uu leeyahay Xul Qaran oo Somaliland yeelato ayaa yidhi “Waxa muhiim ah sidii loo dhisi lahaa Xul Qaran oo ay Somaliland yeelato, oo la soo ciyaara Wadamada jaarka ah iyo wadammada kale   ee la awoodo in la tago, si ictiraafka Somaliland kor loogu qaado”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso