Khilaaf Curdan-dhadhiyey Shaqadii Dawladda Hoose Ee Burco Oo Xaraaradiisu Xidigaha U Baxdey Iyo Bulshada Burco Oo Madaxweynaha La Doortay U Soo Jeediyey In La Kala Dirro

Khilaaf saldhigan la ayaa ka dhex aloosan xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco khilaafkan oo labadii caano maal ee u dambeeyey xidigaha u baxay ayaa u muuqda mid hilifaha u laabay qorshihii shacabku ugu codeeyeen taas oo u muuqata mid ay ka joogaan hungo iyo faro madhnaan, muranka xildhibaanada oo xawli u socda isla markaana marar badan soo noq-noqdey ayaa laga sawiran karaa mid bilaa hogaamin ah oo ka aradan jihaynta iyo waxqabadka hawlihii ay igmanayaasha shacabka ugu ahaayeen. Waxaana isqoorsadey iibinta iyo baloodhaynta dhulka danta guud kaas oo sabab u noqdey in qaar ka mid ah xildhibaanada gollaha deegaanku ay ka biyo diidaan kuna doodaan inan dhulkaa la iibin Karin si faha loo marayna tahay mid xaaraan iyo boob ah waxaanay qoorta muranka golaha tunka usaareen gudida fulinta dawladda hoose kuwaas oo ay ku tilmaameen inay caadeeysteen iibinta dhulka waxaaney carabka ku adkeeyeen dhul ay ku sheegen inuu bulshada muhiim u yahay oo hanan ka baxsan sharciyada lagu xaraashay, halka xubno kale oo ka mid ah xildhibaanada oo ay hogaamiyaan guddida fulintu ay iska difaaceen eedahaa mudanayaasha kale u soo jeediyeen kuna tilmaamay qaar aan sal iyo raad toona lahayn.

Bulshada Burco Ayaa Ku Hungoobay Doorashada 21 Xildhibaan Ee Ay Ku Soodoorteen Sanadkii 2012 Oo U Markaasi Xildhibaanadu Usii Doorteen Maayirka Hada Hogaamiya Magalada Burco Ustaad Maxamed Muraad,Hase Yeeshe Bulshada Burco Ayaa Ku Tacab Khaasaray Xildhibanadii Ay Doorteen,

Marka Laga Soo Bilaabo Tariikhdii Ay Noqdeen Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Ee Hada Xilka Hayaa Ayaa La Kawsaday Khilaaf Ballaadhan Lana,Dhamaysatay Sida Ay U Muqato Khilafkaasi Oo U Diiday In Magalada Burco ka Hormarto Magalooyinka Kale.

Hadaba Bulshada Burco Oo Ay Dhagahoodu Ku Batay,Khilaafka Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Soo Noqnoqday Ayaa Warbaahinta Goobo Kale Duwan Kula Hadlay Markii Ay Soo Ifbaxeen Khilafkoodi In Madaxwaynaha Hada Ka Sii Dagayaa Jagada Madaxwaynenimo U Kale Diro Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Tan Iyo Mudadii U Taladda Dalka Hayay,Xildhibanada Burco Oo Khilaafkoodu U Kookooban Yahay Damaca dhulka waxase jira xildhibaano ka tilmaaman golaha deegaanka burco kuwaas oo bulshadu u taqaan inay wax u qabteen , Hadaba Waxa Laga Warsugayaa Habka Iyo Hanaanka U Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Doortay U Ku Wajihi Doono Khilaafka Ragaadshay Golaha Deegaanka Degmada Burco Isla Markaana Ka Reebay Deeganadii La Faca Ahaa Ee Marka Loo Eegayo Dhanka Hormarka.

 

Suxufi  Mukhtar Nuux jamac

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso