XISBIGA WADANI DOOR AAD U WEYN AYUU KU YEELAN KARAA MIDAYNTA SHACABKA SOMALILAND W/Q : Cumar Axmed Cali

Inkastoo  md  C/raxmaan ciro aqbalay in lagaga guulaystay tartankii loo galay  kursiga ugu sareeya Dalka, islamarkaana uu sheegay in uu u tanaasulay  danta Shacabkiisa, hadana waxa  uu raaciyay uurku-taalo iyo calool xumo badan oo uu ka muujiyay najiidadii ka soo baxday Gudida doorashooyinka Somaliland, taa soo taageerayaashiisa sida hagar-la’aanta ah ugu codeeyay, ku abuurtay in ay ka niyad-xumaadaan  najiidadii ay ku dhawaaqeen  gudida doorashooyinka Somaliland.

Taageerayaasha  Xisbiga Wadani waxay aad ugu dhagtaagayeen  dhawaaqa ka soo baxa mushaxrixiintii Xisbigii Wadani ee ay u codeeyeen, waxaanay taasi ahayd, halka ay ka bilaabmayso aragtida cusub ee ay qaadanayaan taageerayaashii Xisbiga Wadani. Hadaba codkasta oo ka soo baxa musharixiinta Xisbiga Wadani waxay  saamayn taban ama mid togan ku yeelanaysay wadajirka iyo walaaltinimada Shacabka Somaliland, waxa kale oo  min-qiyaas u noqonaysay aragtida shaqsiga ama Xisbiga ee  ku gadaaman Xisbiga Wadani, bal in ay ahayd mid ka turjumayaysa danaha iyo horumarka bulshada Somaliland iyo in ay ku sargo’nayd   helitaanka Kursiga ugu sareeya Dalka oo kaliya.
Waa sune ay doorashadu leedahay in maalinba ay mid guushu raacdo, mana-jirto cid iyadu guusha iska leh, laakiin maalinba Qof ayay u hoyataa waana tilmaan ay leedahay xayaatada nolosha Aduunyadu.
Ayaamuhuna maaha maanta oo kaliya ee waa ay isdaba socdaan, hadaad doorkan waydo barri baa laga yaabaa in aad ku guulaysato himilooyin  aad in badan daba joogtay.
Waxa’se mihiim ah in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada  Ummadda Somaliland, lagana dheeraado wax kasta oo kala gaynaya bulshada reer Somaliland.
Md C/raxman ciro waxa uu aad u dhaleeceeyay doorashadii aynu galnay 13nov: 2017  taa soo ahayd tii ugu xalaalsanayd marka loo eego  geedi socodka doorashooyinka Somaliland.
Lamana odhan karo najiidadii ka soo baxday gudida doorashoohinka S/land waxay ahayd gacan ku rimis, sababta oo ah  may muuqan wax loo aaneeyo in ay dhacday ku shubasho baahsani, taa soo haddii ay dhici lahayd aan marnaba ka qarsoonaateen, goobjoogayaashii tirada badnaa ee dusha kala socday sida ay doorashadu u dhacayso.

Si kastaba ha ahaatee waxaynu ku aaminnay Gudida doorashooyinku in ay si cadaalad ah ugu xaqsooraan dhamaanba tartamayaashii ka qayb-galayay loolankii loogu jiray hogaaminta Dalka.

Waxa kale oo aynu ku dhaarinay KITAABKA QUR’AANKA KARIIMKA Ah, si aynu ugu kalsoonaano shaqada ay Qaran u hayaa.
Hadaba  md C/raxman ciro waxa laga filayay in uu meel ka xalaalsan halka uu maanta iskataagay  uu iskataagi doona, islamarkaana isagoo  danta Shacabka ka horaysiina ta gaarka ah in uu si  niyadsamaan  iyo calool xaadhni ku jirtana  uu u hambalyayn doono ciddii ay  guushu ku raacday tartankii bulshadu ku hafatay.
Waxa laga filayay in uu md Ciro taageerayaashiisa ugu baaqi doono in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay md muuse biixi cabdi, islamaraana  iska iloobaan xanaftii iyo xajiintii  doorashadu beertay.
Ciddii doontaaba ha ku guulaysato tartankii sida ba’an Qabyaalad loogu nooleeyay, waxa’se maanta inoogu qaalisani  waa wadajirka iyo walaalnimada bulshada Somaliland.

Calaa kuli xaal waxa aad u mihiim ah  in xubnaha Xisbiga Wadani ee ay ugu horeeyaan madaxdoodu door weyn ka qaataan sidii loo daweyn lahaa kala qaybsanaanta iyo tafaraaruqa ay doorashadu ka tagtay, islamarkaana iska daboolaan wixii tabasho ah ee ay ka tirsanayaan doorashadii dhacday 13nov: 2017. Taa badalkeedana ay qaataan door ah in  ay  ka shaqeeyaan isku keenida iyo midaynta bulshada Somaliland. Waa in  masuuliyiinta Xisbiga Wadani ku dhiiradaan in ay taageerayaashooda ku qanciyaan  in doorashadii dhamaatay Somalilandna ay mid tahay, cidwalbana ay dantu ugu jirto walaalnimada iyo wadajirka Shacabka Somaliland.

Waa in xubnaha Xisbiga Wadani ugu firfircooni si toos ah ugala hadlaan taageerayaashooda warbaahinta, una sheegaan in ay dhamaatay tartankii iyo xafiiltankii doorashadu lahayd, midda maanta inoogu qaalisanina ay tahay  in laga wada shaqeeyo  danaha iyo midnimada bulshada Somaliland.
Waxa uu wadankeenu inagu qaadayaa waa inaga oo dhamaanteen u guntana ka shaqaynta iyo  horumarinta Dhulkeena. Taa saanay inagu anfacaysaa. Laaliin inagu anfici-mayso in maalin walba bulshada loo kala qaybiyo reero ama kooxo danwadaag ah. By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed331@gmail.com.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso