Uf Anaa Leh Qabyaalad…Q.3aad

 

????????????????????????????????????

Md.Madaxweyne Muse,Md.kuxigeen Saylaci Rabi haydinku asturo,

Hana idiin fududeeyo ammaanada ummada JSL idiin dhiibtay.

 

Ma yara talooyinka dhegahiina ku qul-qulaya,waxaana keenay tabashooyinka shacabka soo taxnaa 26sanno.Waxaanu shacabku hiigsanayaa uun midnimo,cadaalad,sinaan,horumar,aqoonsi iyo kobcinta dhaqaalaha.Bal anna tusaalooyinkii aan qormadan maanta

idiinku bidhaamiyo arrimaha aad ku hanan kartaan kalsoonida shacabka:

Fulinta ku dhaqanka Sharciga:

1.Sharcigu waa inuu sareeyaa(kaw ayuu ka yahay ballamahii

   Md.Madaxweyne Muse ku jiray khudbadahiisii ololahii iyo kadib

   cugushadii shacabka),hirgelinta ku dhaqanka sharcigu waxuu

   abuuraya cadaalad iyo sinaansho.

2.Dhamays tirka xeerarka,sida ka ganacsiga,ka maal gashiga,ka

   Booliiska,ka saxaafada,ka kala xadaynta gobolada+degmooyinka.

Baahiyaha Aasaasiga ah:

1.Dhamays tirka balaadhinta biyaha caasimada.

2.Kordhinta ceelasha dhamaan degmo doorasho+Degmooyinka kale.

3.Badinta Balliyada dhamaan tuulayaasha dalka.

4.Hoos u dhigida qiimaha iftiinka(Electricity cost per kwh).

5.Hir gelinta lacag la’aanta dugsiyada h/dh iyo sare.

6.Hoos u dhigida lacagta jaamacadaha ee ardayda laga qaado,

   Laguna saleeyo dhaqaalaha bulsha-da danyarta ah,shacabkuna

   u badanyahay.

7.Qorshe jaamacadaha+Xukuumadu wadajir u sar gooyaan tiro

   ay waxbarasho bilaash siiyaan ardayda danyarta ah sida ay

   jaamacadahu u kala dhaqaale badan yahiin.

8.Xukuumada+Jaamacadahu wada jir u curiyaan xarumo baadhitaan

   (Research centres),laguna saleeyo baahiyaha dalka.

Rabi haydinku toosiyo tubta toosan ee khayrka leh.

La Soco……..

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso